Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Kastankii libooyo Kiinya oo loo soo raray meel u dhow Dhoobley

Dowladda Kenya ayaa soo rartay Kastamkii ay ku laheyd degaanka la yiraahdo Liboya Kenya oo 18 km u jira degaanka Dhoobleey ee degmada Afmadoo ee gobolka J/hoose, kastamkaasi oo iminka loo soo raray degaanka Xaar xaar oo 3 km u jira degaanka Dhoobleey.

Saakay ayaa waxaa la soo raray qeybo ka mid ah maamulka degaanka Lipoya kuwaasi oo ay ka mid yihiin Kastamka, Magarationka iyo ciidanka Booliska, iyadoo loo soo raray degaanka Xaar Xaar oo ku dhow degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose.

Wararka ka imaanaya degaanka Dhoobleey ayaa waxa ay sheegayaan in saakay lagu arakayay degaanka Xaarxaar saraakiil ka tirsan ciidamada Kastamka Kenya, kuwaasi oo ku howlanaa dagi taanka guryo halkaasi ay ka sameysteen, iyadoo aan ilaa iyo iminka la garaneyn sabaha ay u soo dageen halkaasi.

Degaanka Lipoyo ayaa waxaa ka soconaya cabiraad dhul la siinayo dadka kenyatiga ah, arintaasi oo ay wado waaxda dhul bixinta dalka Kenya sida uu RSTV u xaqiijiyey mid kamida dadka degaanka oo ay laxiriitay

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya