Kulankii Baarlamaanka
Muqdisho uu ku yeelan lahaa oo dib udhac uu ku yimid
Guddoomiye ku
xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka Dowladda federaalka Ku meel gaarka ah
ee Somalia Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in dib loo dhigay kulankii 25
bishaan ay yeelan lahaayeen xubnaha Barlamaanka ee uu horey ugu dhawaaqay
Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan
Cismaan Cilmi
Boqorre ayaa waxaa kaloo uu sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan uu xiriir lasoo sameeyay isaga oo ku sugan magaaladda Sanca ee
xarunta wadan Yaman una sheegay in dib loo dhigay kulankii barlamaanka
ay yeelan lahaayeen Maalinta Sabtida ah oo ku began 25ka bishaan
Cismaan Cilmi
Boqore ayaa intaa raaciyey in guddoomiyaha baarlamanka uu ka qayb gali
doono maalinta Xuriyadda Dalka Jabuuti oo ku began 27ka bisha haatan
socota
Boqore ayaa si
daran u diiday in sababaha uu u baaqday kulanka 25 ka bishan uu yahay
kooramka oo buuxsami waayey dartii,laakiin waxa uu sheegay inuu u baaqaday
codsi ka yimid gudoomiyaha wuxuuna sheegay in maalinta bari ah ay
xillibaanada ku sugan Muqdisho ay yeelan doonaan kulankii caadiga ahaa ee
ay kaga hadli jireen nabadeyntii magaalada Muqdisho.
12kii Bisdhaan
ayay ahayd markii Madaxweyn C/laahi yuusuf uu kala diray Xubnaha
Baarlamaanka kulan ka dhacay Magaaladda Nairobi asagoo ugu baaqay in ay
aadaan deegaanadii ay ka dhasheen laakiin arintaa ayada ah waxa ay u
cuntami weysay gudoomiyaha barlamaanka oo asna ku dhawaaqay in xilligan
aan la fasixi karin xillibaanada howlaha u yaal oo aad u fara badan
darteed.
Maxamed Cumar
Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester
Somali Tv Muqdisho-Somalia
Cadde_8@hotmail.com