Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Xubnaha labada gole oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

 
in ka badan 70 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa maanta kulan ay albaabadu u xiran yihiin waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya .
 
kulankan oo ay xubnihii ka qeyb galayey ku tilmaameen mid xassaasi ah waxaa looga hadlayay arimo dhowr oo ay ugu waa weynaayeen sidii ,magaalada Muqdisho loogu soo dhaweyn lahaa wafdiga uu hogaaminayo ergeyga qaramada midoobey ugu qaabilsan Soomaaliya faransi Fall oo maalinta bari ah la sheegay in uu Muqdiso imanayo.
 
sidoo kale waxaa kulankan intii uu socday lagu gorfeeyey wax yaabihii xubnaha Muqdisho ku sugan ay la hor tagi lahaayeen gudiga uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya oo iminka doonaya inuu isu soo dhaweeyo labada garab ee ay dawladu u kala jabtay.
 
markii xubnahan maanta yeeshay ay soo gabagabeeyeen kulankooda waxa ay Saleebaan Colaad Rooble u doorteen ninka la hadlaya war baahinta ,wuxuuna Saleebaan uu sheegay in kulankii maanta ay uga wada hadleen soo dhaweynta ergeyga gaar ka ah ee qaramada midoobay iyo waxyaabihii ay la hor tagi lahaayeen.
 
Mr. Saleebaan ayaa sheegay in kulankan lagu go'aansaday magacaabista gudi ka kooban 12 xubnood oo kasoo shaqeynaya waxyaabihii maalinta bari ah la hor dhigi lahaa gudiga uu hogaaminayo faransi fall.
 
Faransi Fall ayaa maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Jowhar asagoo kulamo la qaatay madaxweynaha dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi.
 
Mr. Fal ayaa gelinkii danbe ee shalay waxa uu dib ugu laabtay magaalada Nairobi oo markii hore uu kasoo ambabaxay .
 
 
Maxamed Cumar Sheekh
Rochester Somali Tv  Muqdisho.