Xubanaha labada gole ee Dowlada FS Ayaa maanta
kulan xasaasi ah oo loogu arinsanayo Safarka uu Madaxweynaha ku marayo
goboloda dalka qaarkood ku yeeshay Hotelka Saxafi Ee magaalada Muqdisho.
Xubnahaan labada gole ee dowlada FKMG ee Soomaaliya kuna sugana Muqdisho,
ayaa maanta kulan saacado qaatay ku yeeshay Hoteelka Saxafi ee magaalada
Muqdisho, waxayna isla falanqeeyeen socdaakla uu hada bilaabay
Madaxweynaha uuna ku marayo sida uu sheegay madaxweynaha gobolada dalka
qaarkood, sida Bakool, Hiiraan Iyo Kuwo Kale.
Shirkan oo xubnihii ka qeybgalay ay ku jireen wasiirada & xildhibaanada
hubeysan ee Muqdisho ku sugan, ayaa waxaa la iskula soo qaaday ajendayaal
ay ka mid ahaayeen marxalada guud ee dalka, howlaha nabadeynta magaalada
Muqdisho & socdaalka la sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ku tegay
deegaanka Mustaxiil, waxaana gebo-gebadii kulankaasi saxaafadda la hadlay
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka xubnada dowlada ee Muqdisho
ku sugan, wuxuuna saxaafadda u sheegay Cumar Xaashi in socdaalka
madaxweynuhu ku tegay deegaanka Mustaxiil uu ahaa mid haadaan ku sii
ridaya khilaaf-ka ka dhex jira dowladda.
Waxaana ay walaac aad u daran xubnaha muqdisho ku sugan ka muujiyeen
safarka madaxweynaha oo ka biloowday gobolada ismaamul goboleedka Itoobiya,
waxayna sheegeen in Itoobiyaanka uu madaxweynaha la kulmayo iskuna soo
qaadi doonaan sidii uu ku heli lahaa hub uu weerar ugu qaado Muqdisho waa
sida ay hadalka xubnaha dowlada ee Muqdisho ku sugan u dhigeene.
Waxaana shalay iyo maanta laga sugayay madaxweynaha in uu gaaro
magaalada Baladweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan, balse waxaa lala
yaabay markii ay qoraxda dhacday lana waayay wafdiga uu madaxweynaha
hogaaminayay, dadweynahii reer Hiiraan oo safaf dheer ugu jireen soo
dhaweynta madaxweynahana ay iska dareereen xalay fiidkii iyagoo niyad
jabsan.
Waxaana dadweynaha reer Muqdisho qaarkooda Sida odoyaasha Garcad-ka ah
ay ku qaxweynayeen saakay ""in ay arrin laga xumaado ay tahay madaxweyne
uu tago tuulooyin ay ciidamo Itoobiyaan ahi degan yihiin, uuna ugu yeero
in ay ugu yimaan xubnaha labada gole dowladda ee Hiiraan ka soo jeeda,
maamulkii gobolka & odayaasha dhaqanka gobolka & saraakiil Itoobiyaan ah
Mustaxiil", waxayna hadalheyntaan oo badanaa reer muqdisho isla qabaan ay
ku tusaysaa sida ay ugu naxeen madaxweynaha safarkiisa marka uu ka
bilaabay deegaano hoos yimaadaan wadanka Itoobiya.