|
Kulan xasaasi ah ayaa shalay waxa uu ka dhacay hotelka Amiira
waxaana ka qeyb galay qeybaha kala gadisan ee bulshada ayaa looga hadlay
arrimo khuseeya nabadgelyada magaalada Muqdisho.
Kulan xasaasi ah looguna hadlayay xaalada guud ee
nabadgalyada caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho, kana soo qeyb galeen
xubno ka tirsan labadda gole ee ka soo jeeda beelaha Hawiye, Aqoonyahano,
Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyaro Maxkamadaha Islaamiga mas’uuliyiin ka socota,
ganacsato iyo qeybaha bulshada.
Kulankaan ayaa looga hadlay arrimo khuseeya nabadgelyada
caasimadda Muqdisho, iyo waliba siyaasadaha ka soo cusboonaaday qeybo ka mid
ah dalka, gaar ahaan ciidamada la filayo iney ka soo gudbaan gobolka Hiiraan
oo ku soo jeeda magaalada Jowhar, kuwaasi oo wali ku xaniban deegaanka Feer
Feer, iyo guud ahaan sidii loo qaadi lahaa isbaarooyin teedsan caasimada iyo
wadooyinka soo gala.
Kulankaan oo socday ku dhawaad 8 Saacadood, ayaa ay
albaabada u xirnaayeen loona ogoleen in ay gudaha halka kulanka ka socday ay
saxaafada goob joog ka ahaadaan, balse kulanka marka uu dhamaaday ayaa waxaa
saxaafada la hadlay afhayeenka laba gole dowlada ee ku sugan muqdisho
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan, waxa uuna sheegay in kulankoodii ay ka soo
saareen baaq ay u jeedinayaan ciidamo uu sheegay iney Puntland ka yimaadeen
oo uu xusey iney haatan ku sugan yihiin deegaanka Feer Feer, kuwaasoo uu
yiri haddii aaney dib ugu laaban meelihii ay ka yimaadeen, ay taasi soo
dadajineyso inuu dhaco dagaal aan laga baaqsan kareynin oo gacmaha loogu
gubto.
Cumar Xaashi waxa kale uu sheegay in hogaamiyaasha ay
isbaarada u taalo maleeshiyaadka ay isku heebta yihiin la siiyo "3" Maalmood
sidii ay ula soo tashan lahaayeen maleeshidkaas kana soo dhameyn lahaayeen
in ay isbaarada qaadaan, lagana war sugo 3 maalin oo kaliya maalinta 4aad-na
ay si wada jir ah xoog loo adeegsan karo.
Ganacsatada ka soo qeyb gashey kulankoodii shaley, ayaa
waxa uu cadeeyey in la go’aamiyey in ganacsatada qaab dowladeed looga qaado
khidmo go’an, oo wax looga qabanayo hawlaha lagu dhameystirayo amniga
magaalada Muqdisho iyo hirgalintiisa.
Mana ahan markii ugu horeysay ee xubanaha labada gole ee
dowlada kana soo jeeda beesha Hawiye iyo waliba guud ahaan dhinacyada kala
duwadan ee ka soo jeeda beesha ay kulan sidaan oo kale ay yeeshaan, waxaana
jira kulamo fara badan oo dhacay balse go'aamadii laga soo saaray ay noqdeen
kuwa aan la fulin halkii shirka ka dhacayayna loogu tagay.
|