Kulan ballaaran oo looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa
gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo maanta ka dhacay hotelka
Ramadan ee magaalada Muqdisho.
Kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen siyaasiyiin ,wax garad odayaal
dhaqameedyo iyo xubno ka socday xubnaha labada gol ee dowlada kumeel
gaarka ah ee Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa maanta ka
dhacay hotelka Ramadan ee magaalada Muqdisho .
kulankan ayaa waxaa soo agaasimay imaamka beesha Hiraab Imaam Maxamud
Imaam Cumar waxaana kasoo qeyb galay xubno ay ka mid ahaayeen
ra'isulwasaare ku xigeenka dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ahan
wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid .
Ujeedka rasmiga ah ee kulankan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidoo loo
taageeri lahaa gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee dhawaan uu soo
magacaabay ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi .
Xubnihii ka qeyb galay kulankan oo hadallo fara badan halkaa ka jeediyay
ayaa dhamaantood muujiyey sida lagama maarmaanka ay u tahay in gobolka
Banaadir uu yeesho maamul xooggan oo wax ka qabta xaalada amaanxumo ee
gobolka ka taagan iyo sida loogu baahanyahay in la wada taageero
gudoomiyaha loo soo magacaabay gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamud Xasan
Cali Gaabow ayaa sheegay inuu ku dadaalayo sidii gobolka Banaadir uu u
noqon lahaa meel amaankeeda la isku halayn karo iyo sidii uu ku kasban
lahaa kalsoonida shacabka.
Kulankan maanta ka dhacay hotelka Ramadan ayaan ahayn kulankii ugu
horeeyey oo lagu muujinayo taageerada loo hayo gudoomiyaha cusub ee
gobolka .
Maxamed Cumar Sheekh .
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.