|
Kofi Anan oo markale ugu baaqay inay wada
hadlaan labada garab ee DFS
Xoghayaha Guud ee Q.M Kofi Anan ayaa war bixin cusub uu soo saaray kaga
dalbaday hogaamiyeyaasha kooxaha Soomaalidu in ay wada hadalo dib u
bilaabaan si ay u soo afjaraan khilaafka u dhaxeeya.
Kofi Anan, Xoghayaha guud ee Q.M
Xoghayaha Guud ee Q.M Kofi Anan waxa uu sheegay in howlgalka hay'adaha
federaaliga dalka Soomaliya ay hortaagan yihiin kooxaha Soomaalida ee iyagu
talada dalka haya khilaafka dhex taagan.
" Waxaan aad uga walwalsanahay ayu yiri Kofi Anan xiisadaha siyaasadeed
ee u dhaxeeya hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee dowlada FS, taasoo sare u
qaaday in diyaar garow Militari oo dhex dooda ah dalka uu ka dhaco".
Kofi Anan waxaa sidoo kale uu sheegay halkii lala tacaali lahaa qodobada
ka dhex taagan ee dhinaca amniga ee dowladda in ay markasi ku dhaqaaqeen
waxyaabo keeni kara dhibaato, waxa uuna ku baaqay in dib u heshiisiin ay
galaan isla markaana ay hormariyaan hanaanka nololeed ee dadka Soomaaliya.
Hogaamiyeyaasha ku jira dowladda FS ayaa waxaa looga baahan yahay buu
yiri in aysan diidin heshiiska sida ay sameeyeen.
Xiisadaha u dhaxeeya dowladda FS qeybaheed kala duwan oo qeyb Jowhar ay
ku sugan tahay oo Ra'isulwasaare Geedi iyo Madaxweynaha ay ku jiraan iyo
Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirada kale ee
magaalada Muqdisho fadhigeedu yahay ayaa waxa uu sii fogeeyay dhibaatada ka
dhex taagan labada gole ee dowladda FS, taasoo keentay in xoghayaha guud ee
Q.M Kofi Anan uu ka digo sii socoshada dhibaatooyinka ka dhex taagan
dowladda FS oo uu sheegay in ay tahay waxyaabaha keenaya in caqabad ay ku
timaado shaqeynta hay'adaha federaaliga ah ee dowladii lagu soo dhisay
Kenya.
Ilaa laga xaliyo ayuu yiri khilaafaadka u dhaxeeya labada gole ayuu yiri
ma noqon doonaan hay'adaha federaalka ee dowladda kuwo shaqeeya, waxaana
xiisadaha siyasadeed ee iminka jira ay noqonayaan kuwo sii xoogeysta oo qoto
dheeraada, waxaana loo baahan yahay in dadka soomaaliyeed aysan weyn
hay'adahooda federaalka ah oo u howlgala oo la xaliyo khilaafka jira.
Xoghayaha guud ee Q.M Kofi anan sidoo kale waxa uu ugu baaqay
hogaamiyeyasha Soomaaliyeed iyo dalalka gobolka ku yaala gaar ahaan in aysan
qeyb ka noqon sii socoshada xiisadaha siyaasadeed iyo mida militari ee ka
jirta wadanka Somaliya, isagoo mar labaad ugu baaqay hogaamiyeesha siyaasada
Soomaaliya in ay gaaraan isfaham iyo xabad joojin.
Xukuumadda FS oo ah xukuumada dunidal laga aqoonsan yahay ayaa waxaa la
soo dhisay sanadkii 2004 ta, waxaana lagu soo dhisay dalka Kenya.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|