|
Keenya oo shegay inuu saameeyey af duubka Maraakiibta Xeebaha Somaliya,
Madaxa dekada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey maanta
in falalka afduubka ah ee burcad badeeda Soomaalida ah ay ugu geystaan
xeebaha Soomaaliya ay sababeen inuu hoos u dhac ku yimaado tirada
maraakiibtii iyo doomihii ganacsiga ahaa ee ku xiran jiray xeebaha iyo
dekada weyn ee magaalada mombasa.
Maamulka dekadaha dalka Kenya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno (KPA)
ayaa waxa uu maanta sheegay in si aad ah ay u kordheen sii yaraanshaha
maraakiibta ganacsiga shisheeye iyo kuwa kalluumeysiga intaba ee ku xiran
jiray dekada weyn ee bariga Afrika ee Mombasa.
"Afar maraakiib oo la doonayo inay yimaadaan ama ay ku soo xirtaan dekada
mombasa ayaa imminka waxa ay taagan yihiin meel ku dhowaad 300-km u jirta
dekadda, waxaana jira inay muddo badan joogaan halkaasi, taana waxaa sabab u
ah xaalladaha la yaabka leh ee ku soo badanaya xeebaha Soomaaliya iyo
cabsida maraakiibtaasi ay ka qabaan" sidaana waxaa yiri Twalib Khamis, oo ah
madaxa dekada Mombasa iyo madaxa maamulka dekadaha Kenya.
Khamis waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo mas’uuliyiinta
shirkadaha badeecooyinka ka soo dejiya dekadaasi waxyaabo la xiriira
arrimahan xeebaha Soomaaliya ka taagan, laakiin wax faahfaahin ah kama bixin.
Dekada Mombasa oo ah dekada weyn ee ay maraan inta badan badeecooyinka
loo dhoofiyo dalalka Uganda, Burundi, Rwanda, bariga Congo, koonfurta Sudan
iyo Ethiopia, ayaa imminka mas’uliyiinteedu waxa ay cawanayaan xaaladaha
afduubka ah ee ka jira xeebaha Soomaliya.
Goor sii horeysay ayey aheyd markii beesha caalamku ay ku tilmaameen badaha
Soomaaliya inay yihiin kuwa ugu halisan caalamka.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqisho Somaliya
|