Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada kenya oo walaac ka muujisay af duubka Marakiibta Kenyaanka

Hadalkan ayaa uu ka soo yeeray Afhayeenka dowlada Kenya Alfred Mutua oo  sheegay in dowladiisu ay walaac ka muujineyso afduubyada kala duwan ee loo gaystay badmaaxiin Kenyati ah oo iyagu saarnaa maraakiib lagu afduubtay xeebaha Somaliya.

3 Maraakiib oo ah nuucyada xamuulka qaada oo ka diwaan gashan magaalada Mombasa ee wadanka Kenya ayaa burcad badeed Soomaali ah ay ku afduubteen xeebaha Somaliya 3 dii bilood ee la soo dhaafay.

Moatuwa ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladda Kenya ay wada hadal la wado dowladda FS si baaritaano loogu sameeyo dhacdooyinkaan isa soo taraya.

Dhinaca kale hay'adda Cunada aduunka ee WFP ayaa waxa ay sheegtay in iminka ay qorsheyneyso in gargaar cuno ah oo loogu talo galay in la gaarsiiyo qeybo ka mid ah Somaliya la marinayo dhulka maadaama burcadbadeedyo aan ilaa iyo iminka wax laga qaban ay soo galeen badaha.

Maamulaha 3daaasi maraakiib oo lagu magcaabo Karim Udrati ayaa waxa uu ku hanjabay in maraakiibtiisa uu kala soo baxayo wadanka Somaliya, iyadoo oo aan wax gargaar ah la gaarsiin wadanka dagaaladu ay aafeeyeen ilaa amaanka uu ka noqdo mid la isku haleyn karo.

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya