|
Kenya oo ka codsatay Midowga Yurub in uu taageero siiyo dowladda
Dowladda Kenya ayaa ka codsatay Midowga reer Yurub inuu taageero Dowladda
FKMG ah ee Soomaaliya oo dhibaatooyin badan ay ku heysato gudaha Soomaaliya
.
wasiirka Iskaashiga Gobolka Kenya John Arab Koch ayaa gaarsiiyay Barek
Fandar oo ah mas'uulka Midowga Yurub u qeybsan barnaamijka kobcinta Qaaradda
Afrika inuu gacan ka geysto arintaasi , isagoo muujiyay ahmiyadda balaaran
ee ay ku fadhido kaalmo dhaqaale Midowga reer Yurub uu gaarsiiyo Soomaaliya
si ay uga howlgasho sugidda amaanka iyo soo celinta deganaanshaha.
Hadalkan ayaa waxa uu soo baxay xilli Madaxweynaha dalka Kenya Muwaay
Kibaaki uu cadeeyay in dadaalkii dowladiisa ay u gashay Soomaaliya ay miro
dhashay loona baahan yahay in Ganacsatada Kenyaanka ah inay maalgeshtaan
Soomaaliya .
Kibaaki oo u waramayay Saxaafadda Nairobi ayaa intaasi ku daray in fursadaha
Nabadda Soomaaliya ay dhiiri gelineyso horumarka xiriirka ganacsi ee ka
dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya , waxa uuna intaasi ku daray in Soomaaliya ay
u baahan tahay kaalmooyin isugu jira dhaqaale iyo mid siyaasadeed intaba.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|