Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kaalmo ay u fidinaayaan dadka Muqdisho dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dabkii
ka dhacey Muqdishu.

Kaalmo ay u fidinaayaan dadka Muqdisho dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dabkii ka dhacay guryo cooshada ah oo ku yaala agaarka Ex Warshadii Biraha ee Wadada Sodonka,

Qoysaskii dabka uu baabi'iyay guryahooda ee agagaarka warshadii hore ee birta ee magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya kaalmada ay shacabka Soomaaliyeed u muujinayaan, iyadoo gudiga kaalamada ay ku eedeynayaan in dowladda FS ay ka gaabisay gurmadkii laga filayay.

Dadkaan oo ku guryo beelay guryo cooshado ah oo ay daganaayeen ayaa iminka kaalmo ka helaya dadka magaalada Muqdisho oo aan u kala harin sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadkaasi masiibada ay ku dhacday.

Qoysaskii ku guryo beelay dabkii ka kacay xero ay dagnaayeen agagaarka ayaa waxaa soo wajahay dhibaato hor leh ka dib markii roobabkii ka da'ay magaalada Muqdisho xalay iyo shalay ay ku dul da'een qaxotigaasi.

Maanta ayaa waxaa laga bilaabay goobihii dabka uu baabi'iyay in dib loo dhiso, iyadoo la arkayay qaar ka mid ah qaxootigaasi oo dhismo ku mashquulsanaa.

Gudiga taakuleynta dadkii ku waxyeeloobay dabkaasi oo uui horkacayay Sheekh C/laahi Warsame Cabdi ayaa rajo ka muujiyay in kaalmo fiican ay ka helaan dadka magaalada Muqdisho.

Muxyadiin Cali jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya