|
C/risaaq Jurile iyo Maxamed Dheere oo lakulmay itoobiya Saraakiil Maraykan
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee Wadanka Itoobiya ayaa
waxa ay sheegayaan in Wasiirk Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Max’ed
Dheere oo ah Gudoomiyaha Maamulka G/Sh/Dhexe ay kulamo la yeesheen Wasiirka
Arimaha Dibada Itoobiya Mr Sium Mesfin iyo Saraakiil Mareykan ah.
C/risaaqa Juriile iyo Max’ed Dheer oo kulankii u horeyay la yeeshay
Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Mr Mesfin oo la sheegay in ay isku soo
qaadeen arimo badan oo ku saabsan arimaha Soomaaliya,iyadoo Dowladda
Itoobiya la sheegay In Dowladda soomaaliya ugu deeqi doonto Dareyska
Ciidamada Tababarka uga socda Magaalada Jowhar.
Kulankii 2aad ayaa la sheegay in ay la yeesheen Sarkaakiil ka tirsan
Mareykanka iyo in ay isla meel dhigeen caqabadaha ay geysan karaan
kooxaha Argagixisada,waxaan la isla go’aamiyay in laga hortago kooxaha
Argagixisada,kuwaas la sheegay in ay kusoo badayaan Bariga Afrika.
Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helnay Addis Ababa waxa ay shegayaan in
laga yaabo in Gudoomiye Max’ed Dheer loo magacaabo Madaxa ka hortaga Gudiga
Argagixisada Soomaaliya,balse warkaasi aan si rasmi ah loo shaacinin
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuule
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|