|
Magaalda jowhar oo ka socoto qabanqaabo lagu soo dhaweynaayo deeq bixiyaasha
iyo wadamada IGAD
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socdo qaban qaabo loogu jiro soo dhaweynta
wafuud ka tirsan wadamada deeqaha bixiya iyo urur goboleedka IGAD, iyadoo
magaaladaasi lagu wado in uu ka furmo shir madaxeed ay wasiirada arimaha
dibadda urur goboleedka IGAD ay ku eegayaan sanad ka dib waxii u qabsoomay
dowladii lagu soo dhisay Kenya.
Dowladda FS garabkeeda Jowhar ayay u tahay war fiican in 9 ka bishaan
magaalada Jowhar ay noqoneyso magaalo uu ka furmo shir madaxeedka wasiirada
arimaha dibadda ee dalalka IGAD oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda dalalka
deeqaha bixiya iyo IBF ta si loogu kuurgalo bal sanad ka dib waxii u
qabsoomay dowladii lagu soo dhisay Kenya.
Wasiirka warfaafinta dowladda FS Max'ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u
sheegay RSTV sida ay isugu diyaarinayaan kulankaasi, isagoo sheegay in ay
socoto qaban qaabo xoogan oo garabka Jowhar ee dowladda FS ugu jirto soo
dhaweynta wafuuda ka imaaneysa IGAD iyo dalalka deeqaha bixiya.
Mareeye ayaa waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka arimaha dibadda DFS C/laahi
Sheekh Ismaaciil oo iminka ku sugan magaalada Adis ababa uu ku jiro abaabul
la xiriira sidii safiirada dalalka IGAD oo Adis-ababa isugu imaanaya uu
markaasi u keeni lahaa magaalada Jowhar,kuwaasi oo diyaarinaya kulan ka
horeeya kan wasiirada arimaha dibadaha ee dalalka IGAD.
Maareeye waxa uu sheegay in macnaha kulankaasi dowlada ay u sameyneyso ay
tahay in indhaha caalamka loogu soo jiido xaaladda Somaliya iyo
saldhigashada dowladda FS ee magaalada Jowhar.
Tani waa hor mar kale oo macno sameynaya hadii ay suurto galnoqoto oo ku
talaabsatay DFS garabka Jowhar halka xubnaha labada gole ee magaalada
Muqdisho ay wali la daalaa dhacaayaan howlihii nabad ku soo
dabaalidamagaalada Muqdisho.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|