|
John
Garang-kii Sudan oo ku dhintay Diyaarad kula dhacday Xadka Suudaan iyo
Uganda

John Garang (second from left) pictured
Sunday following a
meeting with
Ugandan President
Museveni and
diplomats from the United
Kingdom,
the Netherlands, the
United States and Denmark.
(AUG, 1 RSTV )Hogaamiyihii jabhadii hore ee mucaaradka dalka
Sudan ee SPLM isla markaaana noqday laba usbuuc ka hor madaxweyne ku
xigeenka dalka Sudan John Garang ayaa ku geeriyooday bur bur helicopter
habeenimadii sabtigii la soo dhafay meel u dhaxaysay xuduuda Sudan iyo
Uganda,isagoo markaasi ka yimid dalka Uganda.
Mr. Garang waxa uu ka soo laabtay magaalada Kambala halkaasoo uu kulan kula
soo yeeshay madaxweynaha dalkaasi Yuweri Museveni oo xilligan ah
Guddoomiyaha IGAD isla markaana kaalin weyn ku lahaa wadahadalka Dowladda
Suudaan iyo SPLM.
Sida ay cadeeyen baarayasha waxa ay xaqiijiyaan in xiligaas diyarada ku
jirtay duulimadkeda ay lumisay xiriirka qadka ee warlaliska ayadoo mar la
garan wayay meel ay ku danbeysay balse la ogaday ina ay hawada xumaatay
duuliyuhuna isku dayay inuu dib ugu noqdo Ugandha balse ay u suurto gal
noqon waysay iyadoo aysan aysan haysan shidaal diyaarada ku sii duusho
islamarkaana ay masiibadani ku habsatay waxa ay ayaan madow u tahay dhamaan
shacabka koonfurta Sudan oo ay halkasi ku waayen hogaamiyahoodii qaliga
ayadoosan la ogyan wali cida lagu badali doona booskisa balse hogamiyaha
jabhadan SPLM mudane.
John Garang oo muddo ka badan 20 Sano dagaal kula jiray Xukuumadda dalka
Sudan ayaa dhawaan loo doortay inuu noqdo Madaxweyne kuxigeenka dalka Suudan
kadib markii sidaasi lagu heshiiyay.Heshiiska Mr Garang iyo Dowladda Sudan
ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Nairobi, iyadoo xilligaasi ka soo
qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Mareykanka Collin Powel.
Muqtaar Ahmed Mohamud (Katiitow)
RSTV Rochester, Minnesota
katiitow@yahoo.com
|