|
Xildhi.Jini Boqor oo sharci darro ku tilmaamay Heshiiska Ra’isulwasaare
Geedi uu la galay shirkad ilaalineysa xeebaha Somalia.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jinni Boqor oo ka mid ah mudanayaasha
Baarlamanka ee ku sugan magaalaada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay
heshiiska garabka Jowhar ay magaalada Nairobi kula galeen shirkad laga
leeyahay dalka Mareykanka oo ilaalineysa xeebaha Somalia.
Cabdi Cabdulle Saciid Jini Boqor oo wareysi siiyay saxaafadda Muqdisho
ayaa sheegay in heshiiskasta oo ay galeyso xukuumadda ay tahay mid la og
yahay uuna ogolaasho ka heysto Baarlamanka FS isla markaana uu musuqmaasuq
yahay heshiiska Ra’isulwasaare Geedi iyo wasiirka Kaluumeysiga Xasan Abshir
ay magaalada Nairobi kulagaareen Shirkad Mareykan ah oo ilaalisa xeebaha
Somalia.
Heshiiska shirkadan lala galay ayuu Jini Boqor ku sheegay mid horey uu
magaalada New York uu ugu soo galay Madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf
Axmed ee uu yahay midka ka dhacay Nairobi wajiga labaad ee heshiiska.
Xildhibaan Jini Boqor ayaa intaasi raaciyay in heshiisyada lala galayo
shirkadaha madaxa banaan ay horseedi karto in si sahlan badaha Somalia loogu
shubi karo sunta haraaga Nuclearka, isagoo gabi ahaanba sharci darro ku
tilmaamay dhamaan heshiisyadii ay galeen dowladda FS garabka Jowhar, iyadoo
uu ku sheegay in ay tahay mid Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo kooxdiisa ay ku
takrifaleen nidaamka iyo dastuurkii u yiilay dowladda FS.
Hadalka Jini Boqor ayaa yimid xilli maalintii shalay ay heshiis magaalada
Nairobi ku kala saxiixdeen shirkad Mareykan ah oo xagga amaanka badaha
qaabilsan oo la yiraahdo toobaag iyo dowladda FS garabka Jowhar,
heshiiskaasi oo socon doono mudo labo sano ah ayna ku baxeyso 50milyan oo
doollarka mareykanka.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakula
jakuula@hotmail.com
Muqdishu, Soomaaliya
|