| Jini
Boqor oo ku tilmaamay Kulanka wasiirada arimaha dibadda IGAD maanta uga
furmaya Jowhar mid riwaayad ah.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo fadhigoodu yahay magaalaada
Muqdisho ayaa ku tilmaamay kulanka maanta lagu wado in uu wasiirada arimaha
dibadda IGAD uga furmo magaalada Jowhar riwaayad loogu dhigayo garabka
Jowhar ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jini Boqor oo u waramay saxaafadda
Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu yahay mid xagal daacinaya
geedi socodka nabadda Somaliya isla markaana uu yahay mid dowladda Ethiopia
ay ruwaayad ugu dhigayso garabka C/laahi Yuusuf ee dowladda FS waa sida uu
hadalka u dhigaye.
Jini boqor waxa uu sheegay in loo baahan yahay in urur goboleedka IGAD uu
dhex dhexaad ka noqdo arimaha khilaafka dowladda isla markaana aysan
habooneyn in dhinac ay la saftaan.
Jini Boqor waxa uu dhinaca kale gaashaanka ku dhuftey in ay fashilmeen
howlihii nabadeynta oo ay ka wadeen magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in
ay u mareyso meel wanaagsan.
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somalia
|