|
Saraakiil ka tirsan hay'ada UNDP iyo maamulka degmada Jilib ayaa kulan ay ku
yeesheen degmada Jilib uga wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa
dadka ku dhaqan gobolka J/dhexe iyo waliba Guud ahaan nabadgalyada guud ee
gobolka.
Imaatinka saraakiisha hay'adda UNDP ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo
beegmay xilli nabadgalyada degaankaasi ay tahay mid si aad ah uga soo
reyneysa,iyadoo talaabo wada jir ah oo ay iska kaashanayaan saraakiisha
amniga ee ciidamada isnaheysiga D/jubba iyo maamulka degmada ay dhowaanahaan
ku sameynayeen nawaaxigaasi.
Sarakiisha UNDP da ayaa saakay kulan kula yeeshey xarunta degmada Jiblib
Gudoomiyaha degmadaasi C/laahi Maclin Xuseen iyo K/xigeenkiisa Ibraahim
Macaliin Jiis iyo mas'uuliyiin kale,waxaana ay isla soo qaadeen xaalada
nabadgalyo ee degaankaasi iyo suurtogalnimada in hay'adaha samafalka ay
howlo ka fuliyaan halkaasi.
Ibraahim Macalin Aadan Gudoomiye K/xigeenka degmada Jilib oo la soo
xiriirey RSTV ayaa xaqiijiyay in mas'uuliyiintaan ay u sii kictami doonaan
degaano kale oo ka mid ah Bu'aale, Saakow iyo meelo kale,waxaana ay qiimeyn
ku sameyn doonaan xaalada amaan ee degaanada gobolada Juabooyinka,
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|