Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Janaral Galaal oo soo dhaweeyay hindisaha nabada ee uu ku baaqay wasiirka dibudhiska iyo dibudajinta DFSomaliya Bare Aadan Shire

Jeneraal Maxamad Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu taageerayo hadalkii dhowaan ka soo yeeray Wasiirka dib u dhiska dowladda federaalka Barre Aadan Shire hiiraale oo maanta kula kulmay hoteelka Amiira ee magaalada Muqdisho..

Galaal ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo dhexdhexaadin ka dhacda golayaasha is khilaafsan ee dowladda, waxaana uu sheegay in markaas la helayo cidda ka soo horjeedda geedi socodka nabadda Soomaaliya, isla markaasina cidii diida hal meel looga soo wada jeesanayo.

Sidoo kale jananka ayaa xusay in Soomaaliya haatan aysan u baahneyn kala jabka dowladda islamarkaasina loo baahan yahay in hal meel oo qura laga wada hago danta shacabka oo uu tilmaamay inay tahay mid muqadas ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya taageerada loo hayo hadalkii dhowaan ka soo yeeray wasiirka dib u dhiska ee dowladda federaalka soomaaliya Bare Aadan Shire hiiraale oo sheegay in loo baahan yahay dhexdhexaadinta xubnaha labada gole ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhinaca kalna waxaa maanta kulan ku yeeshay Hoteel Amiira wasiirada Abniga Ganacsiga iyo Dibudhiska iyo Dibudajinta kulan kaas oo saacado socday ayaa wax war ah ka soo bixin iyodoo la sheegay wasiirka Dibudhiska iyo Dibudajinta inuu taageero uga raadinaayey hindisaha nabada ee uu ku baaqay si laysugu keeno xubnaha labada Gole

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya