Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Golaha Badbaadada iyo Midnimada Qaranka Somaliya ayaa maanta shaaciyey inay ka dhisayaan Somaliya Jamhuuriyadd Islaami ah

Golahani ayaa maanta sicad u sheegay in dalka Somaliya uu yahay mid ay u bislaadeen shacabkisa in laga dhiso Jamhuuriyad Islaam ah oo soo celisa amaankii ayi kaladanbayntii ay ku wada noolaan la haayeen shacabka Somaliya Golahani oo sheegay inay qanayaan shirweye ay ku doonayaan in lagu heshiisiiyo dadka Solalida dhibaatadana kala gaartay si loo helo dibu heshiisiin dhab ah oo la dhax dhigo dadka Somalida ee dhibaataysan

Golahani ayaa mudo Afar Cishaa shir uga socday Mgaalada Muqdisho iyagoo soo saaray Afar iyo Toban qodob oo ay ku sheegeen inuu ka soo bixi doono shirweynaha la filaayo in laqabto Qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa qabashada shir dib u heshiisiineed oo Soomaaliya gudaheeda lagu qabto, iyadoo maanka lagu hayo bay yiraahdeen dhibaatooyinkii ka yimid shirarkii lagu qabtey dibadaha lagana tusaalo qaadanayo xasiloonida iyoi dib u heshiisiintii ay horseedeen shirarkii ka dhacay wadanka Somaliya sida kuwii lagu qabtey Boorame, Garoowe iyo meelo kale

Hadaba dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Sheekh Xasn Daahir Aweys oo isagu ku Dheeraaday sidii uu sharaaxaad uga bixin lahaa Dimuqraadiyada waxa ay Diinata Islaamka ka Qabto waxaana uu sheequ sheegay inay muhimada ugu horayso ay tahay in lagarto ku dhaqanka Shareecada Islaamka taasoo sheekh ku sheegay inay tahay mida kaliya ee maanta lagu bad baadi karo

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jakuula@hotmail.com