|
Wada hadal qarsoodiy oo u bilowdey jabhada ONLF Dowlada Itoobiya
Ilo xogo gaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro xiriiro u dhaxeeya
xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, iyadoo la tilmaamay in uu bilowday
wada hadla qarsoodi ah oo labada dhinac u soconaya oo aan la faahfaahin ka
dib markii jabhadaasi ay shaacisay in ay hakad galisay howlgaladii
Militariga ay kaga soo horjeeday Itoobiya.
Il wareed kaasi ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu jiro howlo loogu googol
xaarayo sii deynta maxaabiista ONLF ee ku xiran xabsiyada Ethiopia, iyadoo
maxkamada sare ee Ethiopia ay bilowday xiriiro arintaas ku aadan si loo
fuliyo go’aanka sii deynta maxaabiista.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in odayaasha iyo salaadiinta
beelaha ee kalinka 5aad Soomaalida Ethiopia ay sare istaageen geedi socod ay
isugu soo dhaweynayaan jabhadda ONLF iyo xukuumadda Ethiopia, iyagoo la
kulmay Ra’isulwasaaraha Ethiopia Malezenawi oo ay isku afgarteen xal
nabadeed oo loo helo muranka xukuumadiisa kala dhaxeeya ONLF.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wada xaajoodka guulo laga soo hooyay,
iyadoo fadhiga ay ka soo qeybgaleen xubno muuqda oo ka tirsan Jabhadda ONLF
iyo xubno dhinac u janjera oo la soconaya wada xaajoodka.
Cilmi Maxamuud oo ah ergeyga ONLF u fadhiya caasimadda Muqdisho ayaa
horey u beeniyay in uu ka dhex jiro gudaha ONLF wax qilaafaad ah, waxa uuna
shaaciyay in halganka hubeysan uu yahay istaraatiijiyadda ay hiigsanayaan
sida uu qorey wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa wadanka Imaaraadka Carabta.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
muqdisho somaliya
|