Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Isbahaysiga dooxada Jubba oo ku hanjabay in ciqaab aan horey loo arag lagu fulin doono ciddii dilka u geysatay marxuub Uraago.

Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa waxaa ay ay saareen dabagalka cidii ka danbaysay dilkii wakiilkii hay'ada UNDP ee gobalada Jubooyinka marxuum Maxamed Muuse uraabo guddi ka kooban danbi baarayaal iy saraakiil ciidan.

Gudigaan loo xil saaray soo ogaan shaha cidii ka danbaysay dilkii marxuum uraago ayaa waxaa ay sheegeen in ay si deg deg ah u bilaabi doonaan how lihii loo xisaaray oo ay sheegeen in ay aad ugu rajawayn yihiin in ay ku guulastaan

Gudoomiyaha Isbahaysiga dooxada Jubba ahna wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta D owlada KMG Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa waxaa uu can baareeyay dilkii loogaystay wakiilkii UNDP ee jubooyinka oo uu ku til maamay in ay gaysteen kooxo aan wax garanaynin isla markaana u adeegaya waxa uu ugu yeeray dana shisheeye oo ka dhan ah shacabka ku dhaqan magaalada Kismayo.

Marxuum maxamed Muuse uraago oo ahaa wakiilkii hay'ada UNDP ugu qaabilsanaa Gobalada jubooyinka ayaa waxaa habeen horre lagu toogay gudaha magaalada Kismaayo xili uu ku sii jeeday gurigiisa.

Ilaa iyo hada majirta Cid si toos ah iyo mid dadban loogu eedeeyay dilka marxuum uraago iyadoo maamulka dooxada JUbba ay sheegeen in la ogaan doona maalmaha soo socda cidii ku lug lahayd Dilkaaswi.

barr Hirale ayaa ku hanjabay in cidi lagu helo danbigaasi la marsiin doono ciqaab aad u daran isagoo dhanka kale tacsi u diray dhamaan hay'adaha qaramada midoobay iyo shacabka ku dhaqan gobolada Juboyinka.

Maxamed dheere iyo wasiirka qorsheynta oo kulamo la yeeshay wasiiro dowlada itoibiya ka tirsan.

gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (maxamed dheere) iyo Wasiirka qorsheynta dowlada kmg ah ee Soomaaliya C/rasiq Jurille oo iminka ku wada sugan wadanka Itobiya ayaa maanta kulamo la yeeshay wasiiro ka tirsan dowlada Itobiya.

Mas'uulitan Somalida ah ayaa waxa ay kulankii ugu horeeyey la yeesheen wasiirka arimaha wadanka Itobiya Siyu Masfin waxa ayna kala hadleen xaalada wadanka soomaaliya ka jirta iyo howlaha dowlada ku meel gaarka ay ay wadanka ka wado

maxamed dheere iyo Jurile ayaa u sheeagay wasirak arimaha dibada wadanka Itobiya in Itoobiya looga baahanyahay in ay sii labalaabto dadaalada ay ku nabadeynayso kooxaha Somailda ah iyo kaalmada ay siinayso dowlada federaalkaku meel gaaarka ah ee Soomaaliya.

Kulanka dhex maray masfin iyo Jurile ayaa ah kulankii ugu horeeyey ee u mas'uuliyaantan la yeesho tan iyo markii magaalada Adis ababa ay gaareen labadan mas'uul.

Waxaana la filayaa in mas'uuliyiintan ay itoobiya uga sii gudbaan wadanka maraykanka si ay kulamo ula yeesheen mas'uuliyiinta maraaykanka ah ee qaabilsan la dagaalanka waxa logu yeeray argagixiasad.

Xaalada magaalada Baydhabo oo iminka degan ka dib dagaal ka dhacay.

Waxaa dagan xaalada magaalaa baydhabo gaar ahaa suuqeeda weyn kadib markii maanta ay iska hor imaadyo ay halkaasi ku dhexmareen kooxo doonayay in ay dhac u gaystaan suuqa iyo ilalaada suuqaasi.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in iminka ay dagan tahay xaalada suuqa wayn ee magaaladaa oo ay duhurnimadii maanta ay iska hor imaadyo hubaysan ay ka dhaceen .

Iska hor imaadkan kadhacay suuqa Baydhabo ayaa waxaa ku geeriootay 2 ruux oo ka kala tirsan kooxihii dirirayay halka dhaawac uu soo gaaray 7 qof oo rayid u badaan.

dadka ku dhaawacmay dagaalkii maanta ka dhacay Suuqa weyn ee magaalada ayaa qaarkood loo soo qaaday magaalada Muqdisho ka dib markii xaaladooda wax looga qaban waayay farmashiyaasha ku yaalla magaaladaasi maadaama aanu iminka howl galaynin cusbitaalkii weynaa ee magaaladaasi.

Maleeshiyooyinkii doonayay in ay dhaca ugaystaan Suuqa ayaa waxa ay qaateen lacag dhan 20 milyan oo shiln ,soomaali ah.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com