Isbaaradii Siinka dheer oo dib loo soo celiyey.
isbaaradii tiilay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan halka
loo yaqaan Siinka dheer ayaa dib loo soo celiyey ayadoo ay halkaa soo buux
dhaafiyeen maleeshiyadii halkaa horey looga ceyriyay .
maleeshiyadan oo ku hayb ah ninka xubnaha labada ay ugu magacaabeen
taliyaha ciidanka booliska Cabdi Qeybdiid ayaa lacago baad ah waxa ay
iminka ka qaadaan gawaarida wadadaa adeegsata .Maleeshiyadan dib ugu
laabatay isbaarada wadada Siinka dheer ayaa gawaarida ka qaada midkiiba
40,000 oo shiln Soomaali ah .
gaadiidlayda adeegsata wadadaa ayaa sheegaya in soo celinta isbaarooyinkan
ay dhibaato ku abuurayaan isu socodkii gawaarida labada
magaalo.gaadiidleyda ayaa cabasho ka dhigaya isbaaradan dib loo soo
celiyey waxayna sheegayaan in isbaaradan ay ka mid tahay isbaarooyinka
looga qaato lacagaha fara badan.
isbaaradan ayaa waxaa horey loogu guuleystay in la qaado laba jeer ayadoo
kolkii ugu danbeysay uu ku fuuleystay in uu halkaa ka qaado Cabdi qeybdid.
dib usoo celinta isbaarooyinka markii hore la qaaday ayaa waxa ay caqabao
ballaaran ku tahay gudiga isbaaro qaadista gaar ahaan xubnaha labada gole
oo doobaya in Muqdisho ay nabadeeyaan ayna ka dhigaanmeel ka miran
isbaarooyika iyo waxyaabaha amaanka xumeynkara.
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|