|
Gudigii
isbaarada qaadista oo ku guuleystay in ay qaadaan isbaaradii Ex kontorool iyo
Iabahaysiga SNA oo shegay in degmada Wardhiigley ay diyaar u tahay khudbad
uu guddoomiya gobalku halkaa ka jeediyo
Gudigii loo
xilsaarey isbaara qaadista magaalada Muqdisho ayaa maanta ku guuleystay in
ay qaadaan isbaaradii Excontrol Afgooye taasoo ay tiilay wasiirka howlaha
guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato .
Cisman Caato wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ayaa ku dhawaaqay in maanta
wixii ka danbeeye aan loosoo celin doonin isbaaradan,waxaana xiligii la
qaadayey isbarada ka qeybgaley mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dawlada
.
Dadkii ka
qeybgaley isbaaroqaadistaasi ayaa waxaa ka mid ahaawasiirka hubka dhigista
iyo dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim iyo xillibaan C/laahi
Black waxayna Cisman Caato uga mahadceliyey falka dheernaanta leh ee uu ku
dhaqaaqay. Waxaana si aad ah arintan usoo dhaweeyey darawalada gaadiidka ee
kahowlgala wadada Afgooye iyo Muqdsho..
Dhinaca kale masuuliyiinta
Isbahaysiga SNA ee uu horkaco ra'isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka
arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa sheegay in si rasmi ah
loosoo gabagabeeyay howlihii dayactirka iyo nadiifinta ahaa ee baryahanba
ka socotay xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Howshan lagu
dayactirayey xarunata degmada Wardhiigley oo mudo todobaad ah socotay ayaa
waxa ay kusoo aaday xilli uu gudoomiyaha gobolka Maxamuud Xasan Cali Cadde
ku dhawaaqay in qudbadiisa ugu horeysa uu ka jeedin doono degmada
Wardheegley.
Khaliif Cali
Shire oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbahaysiga SNA oo saxaafadda la
hadlay ayaa sheegay in rasmi ahaan la soo gabagabeeyay howlihii nadaafadda
iyo dayactirka isugu jiray ee ka socday deg Wardhiigley lasoo gabagabeeyay
waxa haatan ay sugayaanna ay tahay guddoomiyaha gobalka oo halkaa yimada
kana jeediya khudbaddii uu ugu talagalay shcabka goblka Banaadir.
Khaliif waxaa uu
intaa raaaciyay in ay diyariyeen xaflad aad u weyn ay loogu talagalay in
guddoomiyaha gobalka Banaadir lagulasoo dhaweeyo xarunta deg Wadrdhiigley oo
haatan uu xusay dib in ay usoo celiyeen bilicdeedii isla markaana dadkii
daganaa ay ka saareen.
Maxamed Cumar
Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|