|
Enj: Caddow oo sicad uga so hor jeestay Qorshaha Maamul logu samaynaayo
Gobolka Banaadir
Xildhibaan Enj Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah
xildhibaanada reer muqdisha ayaa si cad uga hor yimid qorshaha Maamul u
sameynta Gobolka Banaadir ee ay wadaan xubnaha Labada Gole ee ku sugan
magaalada Muqdisho.
Enj Caddow oo taageero Siyaasadeed ka haysta Xildhibaan
Xuseen Caraale oo isna ka mid ah xildhibaanada reer Murdisho ugu jira
Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa uu ka soo horjeestay in Maamul loo
sameeyo Gobolka Banaadir, qorshahan oo ay wataan Wasiirada Ganacsiga iyo
Ammaanka Qaranka isla markaana ay taageersan yihiin xubnaha Labada gole
qaybta Muqdisho qaar ka mid ah.
Waxaa uu ku dooday waa Enj Caddow in Gobolka Banaadir
Maamul u dhisan yahay, kaas oo soo magacabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
Prof. Cali Maxamed Geeddi,”looma baahna in Maamul kale la sameeyo, waa in la
taageera Maamulka Cadde Madaxda u yahay, haddii Maamul kale la dhiso waxaa
ka imaan karo waa dagaal beelaha degan Gobolka”.
Dhinaca kale Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa ka soo guuray
Hotelka Saxafi isagoo u soo guuray degaanka Kaaran oo ay ku sugan yihiin
Maleeshiyo isku heyb yihiin, sababta keentay inuu ka soo guuro Hotelka ay
tahay khilaaf ku saabsan Maamul u sameynta Gobolka Banaadir.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdsho somaliya
|