Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dalka Engriiska oo sheegay inay ka xunyihiin Dilka Dhalinyarada Somalida ee ay Xukuntay Maxakada Maamulaka Somaliland,

Dowlada Engriiska ayaa ka soo horjeesatay xukunkii dilka ahaa oo ay maxkamada hargeysa ku xukun tay dhalinyaro lagu eedeeynayay dilka shaqaale ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha Somaliland.

War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee wadanka Britain ayaa waxaa lagu wargaliyay Somaliland in dowladda Engriiska ay ka soo horjeedo xukunkii dilka ahaa ee dhowaan maxkamada Hargeysa ay ku riday eedeysanayaal lagu soo oogay in falal dil iyo qarbudaad loogu geystay dad ajaanib ah gobolo ka mid ah somaliland, iyadoo dadkaasi ay ka mid ahaayeen nin lagu magacaabo Richard iyo xaaskiisa oo ka soojeeda wadanka Britain oo wax ka dhigi jirey dugsiga sare ee Sheekh ,kuwaasi 20-10-2003 lagu toogtay isla dugsigaasi.

Afhayeen u hadashay wasaarada arimaha dibadda ee wadanka Briain ayaa sheegtay in ay si xiriir ah ula socotay dacwadaha lagu soo oogay dadkii loo heystay in ay ka dambeeyaan falkaasi, iyadoo sheegtay in ay soo dhaweynayaan dacwada ay maxkamadu qaaday balse ay ka soo horjeedaan qaabka xukunka dilka ah.

Gabar uu dhalay Riachard oo isaga iyo xaaskiisa lagu dilay Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in ay aad uga xuntay xukunka dilka ah ee maxkamada Hargeysa ay ku riday dadkii ka dambeeyay dilka waalidkeed.

Muxyadiin Cali jimcalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya