Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Indho Cadde oo ku tilmaamay IGAD in aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somalia

Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Indho Cadde oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa ku eedeeyay wadamada IGAD kuwo sii kala fogeynaya xal u helida mushkiladda Somaliya.

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa ku tilmaamay kulanka wasiirada arimaha dibadda IGAD uga furmaya maanta magaalada Jowhar mid sii kala fogeynaya khilaafka dowladda FS oo iyadu kala dagan Muqdisho iyo Jowhar.

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo ka soo laabtay safar dhowaan uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu yahay mid aan wax natiijo ah u laheyn dadka Soomaaliyeed oo ka soo daalay mudo 14 sano ah dagaalo iyo khilaafyo , isagoo sheegay in xalka uu ku jiro in dib loogu laabto waxyaabahii ay isku maandhaafeen xubnaha labada gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, waxa uuna ku eedeeyay dowladaha IGAD gaar ahaan Ethiopia in aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somaliya, oo ay wadato dano gaar ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somalia