|
Sheeq Yuusuf In dhacade oo sheegey kulan ka Baraawe inuu
guul ku dhamaadey
Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Baraawe shir
Muddo Saddex Maalmood ah uga socday halkaas Siyaasiyiin iyo waxgarad ka
tirsan Beesha Ceyr iyo Mareexaan, kuwaas oo ka kala yimaadeen Kismaayo iyo
Magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiinta oo ay ka mid ahaayeen madaxda Isbaheysiga
Dooxada Jubba, Maamulka Shabeelaha Hoose, xubno ka tirsan Baarlamaanka
Federaalka soomaaliya iyo kuwa kale ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka
mida ahaa in laga hortago cadawga Soomaaliya iyo in shir ka ballaaran midkan
mar kale la qabto.
Guddoomiyaha Maamulka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed
Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay in shirkii Labadii Maalmood ee la soo
dhaafay ka socday degaanka Baraawe ku dhamaaday guul wanaagsan.
Arrimaha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo
Ismaamul Goboleed ay u dhan yihiin beelaha dega Jubbooyinka iyo shabeelaha
Hoose, sidoo kale shirkan ayaa waxaa lagu dhameeyay khilaaf u dhaxeeyay
xubnaha kala ah Barre Hiraale iyo Yuusuf Mire Seeraar oo Labadaba ka mid ah
Isbaheysiga Dooxada Jubba.
Maanta ayaa la filayaa in war ay u dhan yihiin ka soo saaran
magaalada Baraawe sida uu sheegay Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ahaa
siyaasiyiintii ka qeybgashay kulanka.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|