|
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa 48 saacadood u qabtay in
gobolka Sh/hoose ay kaga baxaan muwaadaniinta Kenya ee ku sugan gobolka sh,
hoose
Gudoomiha gobolka sh, hoose Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo iminka ku sugan
magaalada Maka ee dalka Sacuudiga ayaa waxa uuna si caro leh u sheegay in
maamulkiisa uu talaabo adag qaadayo haddii dowlada Kenya ay noqon weyso
arrinta ay ka dhawaajisay ee ah in ay xayiraad ku soo rogayso qaar ka mida
garoomada diyaaradaha ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya oo uu ku jiro
garoonka diyaaradaha ee Ceel Axmed oo ay ka mamnuucayso diyaaradaheeda.
Godoomiya G, sh,hoose Indha Cadde ayaa sheegay haddii Kenya ay kala
calaamadeeyso garoomada Soomaaliya, in niyana diyaaradaheeda aanay ku soo
degi Karin garoomada sida kan Cisaley iyto Jowhar, isla markaana ay iyada
mas’uul ka noqon doonto wixii dhibaato ah ee arrintaasi ka yimaada.
Godoomiha G, Sh, hoose Waxa uu ku baaqay muwaadaniintra reer Kenya ee ka
shaqeysa gobolka Sh/hoose in ay uga baxaan gobolka 48 saacadood gudahooda,
haddii dowlada aanay beenin oo aanay ka laaban hadalka ka soo yeeray.
Sheekh yuusuf Indha Cadde waxa kale oo uu sheegay inay awood u leeyihiin
in ay hawada koonfurta Soomaaliya ka mamnuucaan diyaaradaha Kenya.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hortmail.com muqdisho
somalia
|