|
Yusuf Indhacadde ayaa beeniyey warbixintii UN-ka qoreen Gobolka Sh/ Hoose
Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa sicad u diidaday ee daymo qraaraal ah oo ku
saabsana ka ganacsiga daroogada iyo hub laga keenay elarateeya oo ay ka
qoreen gudiga xanibaada hubka qaramada midoobay ee soomaliya
HadHadaba Gudoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Indhacadde
ayaa hadalkan ku tillmaamay mid aan waxba kajirin been oo abuur ah war
bixita Q.M ay ka soo saartay Maamulka gobolka Sh/hoose, taasoo uu ku sheegay
mid sumacadda looga dilayo mas'uuliyiinta gobolkaasi oo uu isaga ugu
horkacaayo
Indhacadde oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Hotel Amiira ee magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka hortago Muqaadaraadka kuwa beera
iyo kuwa ka ganacsada intaba, isagoo xusay in maamulka wanaaga iyo
howlgalada uu kula diriro Muqaadaraadka ay u badaleen gudigii xayiraada
hubka ee Q.M ee booqday qeybo ka mid ah dalka sida Puntland iyo Somaliland
oo dhowaan qoraal soo saaray ay ku tilmaameen in gobolka Sh/hoose lagu
abuuro xashiishada, taasoo uu ku tilmaamay Indhacadde arin gardarro ah oo
aan looga baran Q.M in ay ku kacday, uuna garan la’yahay waxyaabaha ay uga
been abuuranayaan maamulka gobolka iyo ujeedada gaarka ay ka leeyihiin.
Sheekh Yuusuf Indhacadde waxaa kale uu sheegay in maamulkiisa oo uu isagu
ugu horeeyo aysan wax xiriir ah aysna la soo sameyn isla markaana aysna
booqan gobolkaasi, sidaasi darteedna uu sheegay in gudigaasi run iyo beenba
aysan ka sheegi karin giobolka Sh/hoose.
Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Waxa uu sheegay in wax hub ah uusan dalka
soo galin maamulkiisa isla markaana ay runta ka leexdeen Gudigii soo saaray
war bixintaasi oo sheegi waayay cida sida tooska ah hubka u soo galisa
markasta dalka gudahiisa, isagoo ku sheegay in hub dalka uu soo galiyay C/laahi
Yuusuf Axmed balse ay tahay nasiib darro in runta ay ka leexdaan Q.M wax
yaabo been abuur ahna loo gudbiyo.
Waxaa kale waxa uu xusay in maamulka gobolka Sh/hoose uusan wax ciidan ah
ka keenin gobolka G/gaduud isla markaana waxa ciidan u dirin halkaasi,
isagoo tilmaamay ciidamada amniga gobolka Sh/hoose inay yihiin ciidamo isku
dhaf ah oo gobolka u dhashay maamulka gobolkana uu yahay mid ay u dhan
yihiin beelaha Soomaaliyeed ee gobolkaasi dega.
Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Yuusuf Siyaad Indhacade mar uu ka hadlayay
xariga Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in hadii ay jirto cid dambi lagu qaadayo
ay mudan tahay in lagu qaado madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmed.
Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacadde ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga
Col. Cabdi Qeybdiid loogu geystay wadanka Sweden, isgaoo ku eedeeyay
xarigiisa madaxweynaha dowladda FS, isagoo sheegay in afkiisa uusan karin in
C/laahi Yuusuf uu ugu yeero madaxweynaha dowladda FS waa sida uu hadlka u
dhigaye
Indhacadde ayaa tilmaamay in hadii dambi dagaal cid lagu maxkamadeynayo
laga soo bilaabo madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmed.
.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|