|
Imaatinkii
Shariifka ee Muqdisho oo dib u dhacay
Maanta ayey
aheyd markii lagu dhawaaqay in gudoomiyaha barlamaanka dawlada Kmg ee
Somalia Sharif Xasan Sheekh Aadan uu dib ugu soo laaban doono magaalada
caasimada ah ee Muqdisho ka dib socdaalo uu lusoo kala bixiyey wadanka Yaman
iyo wadanka Djibouti oo uu haatanba ku suganyahay .
Gudoomiyaha
barlamaanka Somalia ayaa waxa uu iminka ku suganyahay magaalada Djibouti ee
xarunta wadanka Djibouti halkaasoo baryahanba uu kulamo ku lahaa
mas'uuliyiinta wadankaasi oo ayagu doonaya in ay dhexdhexaadiyaan madaxweyne
C/laahi Yuusuf iyo Shariifka si loo soo afjaro khilaafka dawlada ka dhex
taagan ,laakiin Shariif Xasan waxa uu sheegayoo uu ku adkeystey in uu
wadatashiyo marka hore lasoo sameynayo xubnaha dawlada ee Muqdisho ku sugan
ka dib markii la isku mari waayey kulankii ka dhacay magaalada Sanca ee
xarunta wadanka Yaman.
Shariif Xasan
ayaa sidoo kale xaley kula kulmay magaalada Djibouti ergeyga qaramada
midoobay u qaabilsan Somalia Farans Fol .Labada mas'uul ayaa la sheegayaa
in ay kawada hadleen arimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen dhameynta
khilaafka ka dhexeeya asaga iyo madaxweynaha .
C/laahi iyo
Shariifka ayaa ayagu isku haysta arimo aan sidaa u badnryn oo ay ugu
muhiinsanyihiin arinta caasimada Muqdisho iyo ciidamada ka imanaya wadamada
deriska ah .
Dawlada Djibouti
ayaa la sheegayaa in ay isku dayeyso dhameynta khilaafaadka xubnaha sarsare
ee dawlada si uusan khilaafki u ballaaran inta uu wax ka qabashada
leeyahayna wax laga qabto.
Maxamed Cumar
Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdsiho
Cadde_8@hotmail.com
|