Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Dowladda Imaaraadka carabta oo ka fiirsanayso Qoraal ugu yimid Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa ka fiirsanaysa qoraal ugu yimid Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, dhambaalkaas oo waxyaabaha ku qornaa ay ka mid ahaayeen in Madaxweynaha Imaaradka Carabta soomaaliya ku taageero dhaqaale isla markaana ka caawiyo dowladda Federaalka dib u dhiska dalka.

Dhambaalkas oo la gaarsiiyay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliif Bin Zayid Ala-nahyan ,waxaa gaarsiiyay Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Buubaa.

Sida ay sheegtay Wakaalada wararka Imaaradka WAM in fariinta ka timid Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ahaa xiriirka labada dal, sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Labada dal iyo in Imaaradka Dowladda Federaalka ka caawiyaan dib u dhiska dalka soomaaliya oo burburay 1991-kii markii la riday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

Saraakiisha Dowladda Imaaradka ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha dalkaasi ka fiirsanayo taageero uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muxyadiin Cali Jimcsslle Jakuula
Muqdisho Somaliya