| ICRC
oo deeqo gaar siisay Degmooyin kamida Gobolka J/ Hoose
Hay'adda ICRC ayaa kaalmooyin kala duwan u qeybisay dad ku barakacay
dagaalo horey uga dhacay degaano ka tirsan gobolka J/dhexe.
Gudoomiye K/xigeenka degmada Jilib ee gobolka J/dhexe Ibraahim Macalin
Aadan oo maanta la soo xiriiray RSTV ayaa waxa uu sheegay in kaalmada la
gaarsiiyay ilaa dhowr iyo tab tuulo oo hoosyimaada degmada Jilib, iyadoo
tuulooyinkaasi ay ka mid yihiin Dhaay-Tubaako, Lugooshow iyo kuwo kale.
Gudoomiye K.xigeenka ayaa waxa uu uga mahad celiyay hay'adda ICRC
kaalmada ay gaarsiiyeen tuulooyinkaasi oo ay dagan yihiin dad dagaalo horey
uga barakacay.
Hay'adda ICRC ayaa waayahaan waxa ay kormeer ku maraysay degaano ka
tirsan gobolka J/dhexe si ay u xaqiijisayo xaalada bani'aadnimo ee ka jirta
gobolkaasi.
MAUYADIIN CALI JIMCAALLE JAKUULA
JAKUULA@HOTMAIL.COM
MUQDISHO SOMALIYA
|