Hay'adda xalinta khilaafaadka caalamiga ee ICG ayaa war saxaafadeed ay
maanta soo saartay ku sheegtay in dadaalada la doonayo in looga hortago
halista kooxaha mayalka adag ee Somaliya in ay fashilmayaan hadii beesha
caalamka aaney qaadan ahmiyadda ugu weyn ee soo celinta nabad iyo dowlad
xalaal ah iyo adeegyada aas aasiga ah.
War bixintaan ugu dambeysa oo ka soo baxday kooxda xalinta khilaafaadka
caalamiga ee ciwaankeedu yahay kooxaha islaamiga ah ee Somaliya Jooga ayaa
waxa ay ka hadleysaa halista argagixisada ee xadidan ee ka imaankarta gudaha
iyo daafaha Somalia.
Waxaana war bixinta ay ku doodeysaa in hanaanka ugu wanaagsan ee looga
hortagi karo kooxaha mujaahidiinta ee Somaliya jooga ay tahay in la caawiyo
inta badan dadka Soomaalida oo iyagu doonaya dowlad wax ku ool ah,
salbalaaran oo dimuquraadi ah, balse uu ka dhex muuqdo awooda diinta
islaamka.
Istaaraatiijiyada looga hortagayo argagixisada waa in ay noqotaa mid ku
saleysan muuqaalka iyo dadka Soomaalida ayna noqotaa mid sidoo kale laga
dhex arkayo waxyaabaha Soomaalida ay walaaca ka muuijinayaan hadii la
doonayo in ay guuleystaan ayay tiri war bixinta, waxaa sidoo kale ay
sheegtay in kooxaha mayalka adag ay ku guuldareysteen in wadanka Somaliya ay
gacanta ku dhigaan sabtoo ah iska caabin ka imaaneysa dadka Soomaalida balse
aanan aheyn dadaalada ka hortagista argagixisada ee shisheeyaha ayay
hay'adda International Crisis Group ku leedahay war bixinteeda.
Hadii beesha caalamka ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan loolanka adag
ee lagu gargaarayo dadka Soomaalida oo ah in ay dhisaan dowlad loo wada dhan
yahay oo midnimo qaran ah, waxaa suurto gal ah in guulo laga keeno dagaalada
ka dhanka ah argagixisada geeska Afrika, iyadoo sidoo kale la weyn karo
dadaalka weyn ayuu yiri Mait Braden oo isagu ah ninka u qaabilsan
mahsaariicda geeska Afrika hay'ada ICG.
Tan iyo markii ay bur burtey dowladdii dhexe ee Somalia sanadii 1991 kii
waxaa jirey sare u kac ku yimid dhaq dhaqaaqyada isbadal doonka islaamiga oo
intooda badan aan aheyn kuwo rabshado badan, balse ka soo horjeeda fikirka
fog ee xagga Ra'yiga.
Kooxaha ka mas'uulka ah dilka dadka Soomaalida iyo kuwa shisheeyaha ee
lagu tuhunsan yahay weerarada argagixisada waa koox yar tiro ahaan mana
heystaan taageerada dadka ayay tiri hay'adda ICG.
Beesha Caalamka sidaasi darteed waa in ay cadeysaa in dadaaladooda ka
hortagida argagixisada in ay noqoto mid ku saleysan kooxo yar oo
dambiileyaal ah oo intooda badan shisheeye ah balse aysan aheyn Soomaali.
Beesha Caalamka waa in ay gacan ka geysataa in ay diido oo aan la aqbalin
dadaalada la doonayo in lagu taageero mid ka mid ah garabyada dowladda FS ee
kala jaban, iyadoo tan iyo markii la dhisay dowladda garabkaan farta lagu
goday uu u muuqdo mid ay ka go'an tahay in uu soo celiyo qaladaadkii horey
looga soo gudbay ayay tiri hay'adda ICG.
Faragalinta kooxeysiga waxa uu noqon doonaa mid guuldareysta oo mideeya
kooxahani jihaadiyiinta iyo kuwa qunyar socodka ahi iyo kooxaha siyaasadda
isaga soo horjeeda qadiyad guud, waxa ayna taasi noqon doontaa mid sii
xoojisa halista kooxaha islaamiga ah,iyadoo halkaasi lagaga gudbi lahaa ayay
tiri war bixinta.
Agaasimaha barnaamijka qaaradda Africa ee kooxdan maanta war bixinta ka
soo saartay arimaha Somalia ee la yiraahdo ICG waa Mr.Suliman Baaldo ayaa
waxa uu sheegay cabsida wadamada reer galbeedka ee ah in sare kaca
maxkamadaha islaamiga hay'adaha sidiqooyinka bixiya iyo ganacsiga oo ah in
ay yihiin qorshe la doonayo in Somaliya laga dhigo wadan Islaami ah in ay
yihiin cabsi been ah oo aan waxba ka jirin.
Waxa uu yiri agaasimaha hay'adani barnaamijka Afrika ninka u qaabilsan
Suleyman Baldo xaqiiqda dhabta ah ayaa waxa ay tahay ragga u ololeeya xagga
islaamka ee Somalia in ay yihiin kuwo kala firirsan oo ku kala qeybsan
dhinaca fikirka iyo aragtida, waxaa kaliya ay noqon doonaan kuwo iskaashi
siiya oo wada shaqeeya hadii beesha caalamka ay ku guuldareystaan in wax
laga qabto baahida dhabta ah ee Dadka Soomaalida oo ah in ay helaan nabad
buuxda dowlad Salbalaaran oo xalaal ah iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo
adeegyada aasaasiga ahaa ee xagga nolosha.
Muxyadiin cali jimcaalle jakuula