Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Hiiraan oo la sheegayo in laga wareejinayo xaruntii ciidanka Xoogga dalka.

 
warar soo baxaya ayaa sheegaya in gobolka Hiiraan la doonayo in laga wareejiyo xarunnimadii ciidanka xoogga dalka  oo la doonayo in loo wareejiyo gobolka Shabeelaha dhexe oo iminka ay xarun ka dhigteen xubno fara badan oo ka tirsan xukuumada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayna horkacaan madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'isulwasaare Cali Maxamed Geedi.
 
markii ay arinta soo ifbaxday ka dib waxaa magaalada Baladweyne gaar ahaan xarunta wasaarada dalxiiska kulan ku yeeshay wax  garadka ,saraakiisha iyo odayaal dhaqameedyada gobolka Hiiran kasoo looga hadlayay jawaabtii laga bixin lahaa haddii hadalka sheegaya in Hiiraan laga wareejiyey xarunnimadiisii uu noqdo mid dhab ah .
 
odayaasha ayaa baaq gaar siiyey xafiiska madaxweynaha ee magaalada Jowhar ,baaqa odayaasha ayaa waxaa lagu sheegay digniin ah haddii laga wareejiyo gobolka xaruntaasi ay dawladu la kulmayso cawaaqib xumo aanay kasoo kabsan.
 
warkan sheegaya in Hiiraan laga wareejinayo xarun nimada ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu soo baxay ka dib markii weerar loo geystay gaari Ay wateen ciidan ka socday maamul goboleedka Puntland oo gobolka Hiiraan ay ku weerareen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda qabaa'ilka gobolkaasi daga.
 
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv  Muqdisho.