| |
HIBO NUURA:FANAANAD MAQAAM GAAR AH LEH

Fanka Somaaliyeed ayaa ah Kanis Qaali ah oo Dhaxal ahaan
Ummadda Somaaliyeedu Leedahay oo Ma Duugoobe ah, Sugaanta Hodanka ah iyo
Hoobalaha Xidigga Fanka Ayaa ah kuwo Xurmo Gaar ah iyo Qadarin aan la Soo
Koobi kareen u Leh Ummadooda,Waana Safiiro sidii ku habooneyd u Metelaaya
Sharafta iyo Sumcadda Dadkooda iyo Dalkoodaba, Bogag Dahab ah kama Qaran
Taariikhada Dalkooda.
Hibo Xaaji Maxamed (Hibo-Nuura) ayaa ka mid ah Xidigaha Qoraxdu Qarin
Weeyday, Habka iyo Hanaanka Faneed iyo Hibadda Rabaaniga ah ee Codeed iyo
Heeybadda Qofeed ayaa ka Dhigaay Hibo Fanaanad Maqaam Gaar ah leh, Xishoodka
iyo Xaq-dhoowrka ayaa ah mid
eey Asal u leedahay oo lagu Soo Barbaariyeey- Hibo Aabeheed Al-Marxuum, Sh,
Al-Xaaji Maxamed ayaa ah Shiikh Caalim ah oo aad iyo aad u Dhaqan
Wanaagsanaa, Sifooyin Wacan lahaa Dad Jaceyl Lahaa, Talo Wanaaga Lahaa,
Anigu Shakhsiyan Ayaan u Garanaayeey oo
Waxaan ka Mid ahaan Jirray Dadka eey Isku Masaajidka ahaan jireen Sheekh
Max,d oo had iyo Jeed Waano Waalidnimo oo Dhaxal Gal ah Na Siin Jireey,
Waxaan alle uga Rajeeyeey in uu Ka Waraabiyo Janadda Fardoosa, Amiin.
Fanka Somaaliyeed oo kaalin wacan gaaray ayaa laha Fanaaniin Caan oo
Codkooda si Weyn loo Xiiseeyo loona Hiloobo Maqalka Heesahooda Xikmadda iyo
Qiimaha weyn leh dadkuna
Kala Mudan oo kala Cod Fiican kalana Caansan, Hibo-Nuura ayaa ka mid aha
Inta Kooban ee ah Xulka Qaranka ee Gabdha Fanaaniinta ahaa oo eey Weliba
Dheereeyda Habka eey Qaadatay kuna Saleeysay Fankeeda Dhaxal galka
ah(Xishoodka iyo Xaq-dhoorka )ayaa Fanka u Dheer Hibo iyo Qiiradeeda
Wadaniyadeed, Daacadnimadda iyo Kartideeda iyo Weliba Tarbiyadii Suubaneyd
ee Aabbe Al-Marxuum-Xaaji Maxamed, iyo Qiimaha Faneed oo ah mid si wacan loo
soo xulay kuna Fadhiya Qiimo iyo Qaayo Sugaaneed iyo Qaabka Jilista Hibo oo
Soo Jiidasho leh, Sidda Fanaanadaha:- Al-Marxuuma-Magool, Sahra Axmed, Saado
Cali, Khadra Daahir, Faaduma Qaasim, Maandeeq, Amina C/Laahi, Maryan
Mursal,Seynab Xaaji Cali Baxsan, Luul Jeylaani iyo Kuwo Kalleba.
Wajiga Furan ayaa Sawir cad u ah Niyad Samidda iyo Qalbi Hufnanta Xidigta
Qaaliga ah, Ayaa la Wadda Ogyahay Maqaamak iyo Hibadda Alle ee eey Leeyihiin
Abwaanadda Hibo Heesaha u Curiyeey, Gaar ahaa Sugaan Yaqaan, Curiye Abwaanka
Weyn, Xassan Sheekh Muumin oo ka mid ah Abwaanadda ugu Caansan uguna Aqoon
Wanaagsan Dhanka Curinta iyo Riwaayado Sameeynta, Heesaha Hibo-Nuura lama
Soo Koobi karro Tirro Ahaan iyo Sida Dadweynuhu u Xiiseeyo Maqalkood, Waana
kuwo aan Gabobeyn ee Xili walba iyo da Walbaa
Dhageeysan Karto, Dal Gaceyl dhab ah ayaa Tilmaan u ah Hibo oo Asal ah Hibo
Alle Dalka Iyo Dadka ugu Deeqay, Hantidda ugu Badan oo Hibo ka Heshay Fanka
Somaaliyeed waa Xurmo iyo Tixgelin iyo Sharaf weyn oo dadkeedu u hayo Waana
Hantidda ugu Qaalisan ee
Qof Bashar ahi heli karro oo ka qiima badan Wax Walba oo kalleba,Waxaa ka
mid ah Dadka ama Abwaanadda Hibo Heesaha Wacan u Curiyey-Abwaannkii Weynaa
Al-Marxuum-Xuseen
Faarax, Abwaan, Xassan Sh.Muumin, Abwaan, Axmed Saleeban Bide, Abwaan, Cali
Sugulle, Abwaan Fanaan, Al-C/Qadir Xassan Najeeye, Abwaan, C/Qaadir Xassan
Yamyam,Abwaan,
Al-Marxuum, Max,ud Tukaale Cusmaan, Abwaan Al-Marxuum, Max,d Cali Kaariye,
Abwaan, C/Laahi Sooraan, Abwaan Al-Marxuum-Huryo, Abwaan, Yuusf Max,d Muumin,
Abwaan,Yuusuf Qariib, Abwaan, Xassan Xaaji C/Laahi Geni iyo Abwaan, Cabdi
Aden Qeys iyo Kuwo Kaleba.
Hibo Codkeeda Gaarka iyo Hanaanka Faneed ayaa u Saamaxay in si
Lamaane ah Heeso ula Qaado Fanaaninta Caanka ah ee Somaaliyeed Sidda:-
Maxamed Saleebaan, Al-Marxuum-
C/Naasir Xassan, Al-Marxuum, C/Qadir Xassan Najeeye,Al-Marxuum, C/Khadar
Xassan,Max,d Axmed Kuluc,Xassan Aden Samater, C/Qaadir Macalin Jubba, Axmed
Cali Cigaal, Saalax
Qaasim Naaji, Abwaan Fanaan, Cabdi Muxumud Amiin, Faarax Guuleed iyo ku
kalleba, Heesaha Hibo ku Luqeeyso Waxaa ka mid ah;-
1- Sahal Walaal 2-Dahab La Moodyeey 3-Gu,geeni 4-Kubo Maleh, Kubo
Maleh, 5-Daalo.
6-Ma Muujee Gacelka 7-Hambabaro 8-Hoygan Dhisnaa 9-Sida Goraya Cowl
10-Hamaad
Gacalle Soo Noqon 11-Sheekadu Ma Kow iyo Kun Habeen Mid Socotaa 12-Amiinta
Ducadiyo
Ale Bariga Mooyee 13-Degmo iyo Dacar iyo Heeso Kalle oo aad iyo aad
u Fara badan oo aan kala Dhicin Dhanka Xikmadda iyo Erayadda Wanaagsan iyo
Hab Laxankood Cajiibka ah,Hibo
Waa Xidig Fanaanad Qarameed Heerka Koowaad ah, Fanka Somaaliyeedna ku
kordhisay Hanaan iyo Heybad Weyn oo Heerkiisa Kor iyo Kor u Qaaday, Xurmo
iyo Qadarin iyo Xiiso
Weyn ayeey u Hayaan Dhammaan Bahdda Fanka Somaaliyeed Hibo-Nuura oo ah
Ururiso iyo Walaal Xaqiiqo ah oo Soo Gacan Qabatay Fanaaniin Badan oo Fanka
ku Soo Biiray.
Hibo Xaaji Maxamed (Hibo-Nuuro) oo Si Weyn u Qiireeysan ayaa igu
Tirri-Waxaan Alle ka Rajeeyeey Dalkii oo Nabad ah, Wanaagsan iyo Dadka oo
Walaalo ah in uu inoo soo Celiyo, Dowlad Fiican Cadaalad, Sinaan iyo
Xaq-soor leh, Daryeel Fiican leh oo Dadka u
Shaqeeysa ayaan Alle ka Rajeeynaayaa, Somaaliyeey Gacmaha Is-Qabsadda oo
Xumaanta Samaan iyo Wanaag ku Bedela oo Alle Kaashadda oo eeynu Duceeysano,
Dalkeeyga iyoDadkeeyga Waan Jaclahay, Waan Jeclahay Walee Waan Jeclahay.
Firri Gaar Ah;- Taariikhi Faneedka Xidigta Weyn Fanaanadda
Caanka ah- HIBO-NUURA Qorro Gaaban laguma Soo Koobi Karro waayo waa Soo
Jireen Maqaam weyn leh oo u Baahan Bogag iyo Bogag Dahab Lagu Sharxo oo eey
Qoraan Abwaanadda iyo Macalimiinta Habka
Wax Qorista ee Caanka ah, Markaa Waxaan Raali Gelin ka Bixinaayaa Wixii
Dhiman oo dhan Iskastoo aan Dadaaleey,
Marwo Fanaanad-HIBO XAAJI MAXAMED (HIBO-NUURA) Salan Wacan
iyo Xurmo Gaar ah iga Guddoon Walaal.
-Alla Mahad Leh-
-Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)-
-Hudderfield-England- 05/08/2005.
-sharifhassan50@yahoo.com
Source: Somaliweyn.com
|
|