|
Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maanta gaaray heshiis rasmi ah oo ay
wada saxiixen Wasiirka Arimaha Dibada dfkmg Somalia iyo wasiiru dowlaha
dalka Ethiopia .
Wasiirka Arimaha dibada DFS C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Wasiiru dowlaha
dalka Etoobiya Dr.Tskedh Alemu ayaa u kala saxiixay heshiis kaas ahaa mid
hor dhac u ah heshiis ay galaan lada Dowladood
Labada wasiir qalinka ku duugay dhowr qodob ah oo kala ahaa Siyaasada,
Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada, ilaalinta Xuduudaha, Sayniska Bankiyada,
Dhaqanka iyo Amaanka.
Shirkaani ayaa daba socday shir ay yeesheen labada dal oo hordhac ahaa oo
maanta lasoo af jaray, hadab bilowga iyo gabagabda shirka ayaa maanta
noqonaya sid ay RSTV u xaqiiyeey masuuliyiin ku sugan magaalada Jowhar. Qaar
ka tirsan xubnaha dowlada oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer ku
eedeeyey inay cadaw ku yihiin Dowlada Ethiopia islamarkaana ay hub iyo
saanad milatery siiyaan dfkmg ku sugan magaalada Jowhar.
Dowlada Ethiopia ayaa iska fogeeysay eedeeynta ay usoo jeediyeen qaar ka
tirsan wasiirada iyo xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|