|
Heshiis rasmi ah oo ay wada gaareen maanta Puntland iyo dowlada kmg ah.
Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Jowhar waxaa ka socday wadahadal ad u
kululaa oo u dhexeeyey wasiiro ka socday maamul goboleedka Puntland iyo
golaga wasiirada dowlada ku meel gaarka ah ee somalia ee magaalada Jowhar.
Maalintii shalay ahayd ayaa labada dhinac waxa ay ku sigteen in ay ku
kala dareeraan kulamii ay lahaayeen taasoo keentay in madaxweyne C/laahi
Yuusuf iyo ra'isulwasare Geedi ay soo kala dhex galaan.
maanta ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in labada dhina ay gaareen heshiis
rasmi ah oo loo wada dhan yahay .
Shir jaraa'i\d ay si wada jir ah u wada qabteen ra'isulwasaaraha dolwada
ku meel gaarka ah iyo wasiirka arimaha diinta iyo awqaafta Barqad Cal Saalab
ayaa arintaa lagu shaaciyay.
Ra'isulwasaaraha dowlada ku meel gaarka ah ah ee Somalia Cali Maxamed
Geedi ayaa sheegay in labada dhina intii ay ku guda jireen wadahadalada ay
muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo iyagoo markii ugu danbeysayna gaaray
heshiis rasmo ah.
Ra'isulwasaaraha dowlada kmg ahi waxa uu sheegay in labada dhinac ay ku
heshiiyeen qodoabad uu dhigayo dastuurka ku meel gaarka ah iyo dastuurka u
yaalla maamulka Punland.
wasirka awqaafta iyo arimaha diinta maamul goboleedka Puntland oo asna
shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in ay heshiis ay ka gaareen
Mugdigii kala dhexeeyey dowlada ku meel gaarka isagoo hambalyo iyo
mahadcelin u diray wasiiradii wada xaajoodkla ay kula jireen oo madaxda u
ahaa wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka Cabdalle Deerwi Isaaq.
Wasiirkan ka socda mamulka goboleedka Puntland ayaa sheegay in waxyaabaha
lagu heshiiyay ay yihiin qodoabada dastuurka somalia uu dhigayo oo aanu
ahayn wax dibada uga baxsan.
Heshiikan maanta ay wada gaareen labada dhinay ayaa soo afjaraya
khilaafka u dhexeeyey labada dhinac ee ku saabsanaa cidda maamulaysa
shidaalka maamul goboleedka Puntland laga soo saarayo.
Maxamed Cumar Shiikh.
Rochester Somali Tv,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|