Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hay'adda khilaafaadka Caalamiga ee ICG ayaa sheegtay dadaalada urur goboleedka IGAD ee lagu doonayo in xayiraada hubka lagaga qaado Somalia si ay isku hubeyso dowladda FS ay yihiin wax sii kordhinaya xasilooni darida ka jirta wadanka Somalia.

Warqad uu soo direy madaxa xalinta khilaafaadka caalamiga Mr.Great Ivans oo ku socotey madaxda urur goboleedka Geeska Afrika ee IGAD ayaa waxa uu kaga hadlay war murtiyeedkii ay soo saareen golaha wasiirada IGAD 29 kii November ee sanadkaan kulankii ay yeesheen, isagoo ugu baaqay hogaamiyeyaasha gobolka in ay dib u eegaan dadaaladooda ay ku doonayaan in xayiraadda dhinaca hubka laga qaado Somalia.

"Waxaan idin ku boorinayaa idinka iyo saaxiibada IGAD in aad u isticmaashaan awooda xagga saameynta ee Somalia aad ku leedihiin, hanaanka wada hadal Siyaasadeed oo laga furo dowladda FS halkii aad ugu ololeyn laheydeen in xayiraada hubka Somalia laga qaado, iyadoo ujeedada ugu muhimsan ay tahay in Baarlamanka Somalia la isugu yeero oo din uu u kulmo,Baarlamanka Somalia ayaa waxa kulan ah u qabsoomin tan iyo markii ay isku dileen kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyo in sidoo kale dib loo soo celiyo dowlad midnimo qaran oo u shaqeyso umadda Soomaaliyeed ayuu yiri Mr. Gareat Ivas.

Xaaladda Somalia waa mid walaac ku heysa guud ahaan beesha caalamka gaar ahaan wadamada ku yaala gobolka ayuu yiri Ivans.

Amaan darida sii socota, sare u kaca ku imaanaya burcad badeeda iyo halista mar walba la sheeg sheego ee ah in argagixisada caalamiga in Somalia ay ka hirgali karto ayaa mudan talaabo laga fiirsaday oo wada jir loo qaado.

Hay'adda ICG ayaa dhowr jeer waxa ay hoosta ka xariiqday muhimadda ay leedahay xayiraadda xagga hubka ee Q.M ay saartay Somaliya, iyadoo xayiraadaasi ay xadiday rabshadaha iyo dagaalada Somalia ka dhici karay iyo cawaaqib xukamada xagga bani'aadnimada ee hubkaaasi uu keeni karay.

Xayiraadaasi wali waa mid muhim ah maadaama maanta xildhibaanada Somalia ee ku jira Somalia ee ka soo kala jeeda kooxo is khilaafsan ay yihiin kuwo ku mashquulsan iminka wad hadal.

wada hadalka xitaa hadii uu yahay mid gaabis ah waa mid rajo wanaagsan xambaarsan.

Ku lug lahaasho beesha caalamka ee arintaan waxa ay sare u qaadi kartaa dadaalada dadka Soomaalida gaar ahaan xildhibaanada ay ku doonayaan in baarlanka uu dib u shaqeeyo laguna xaliyo khilaafaadkooda.

Hadii laga madax adeego soo dhaweynta iyo wada hadalka u socda xildhibaanada iyadoo dhanka kalena la isku dayo in xayiraadda xagga hubkalaga qaado Somalia ay micnaheedu noqoneyso mid dirta fariimaha qaldan kuwaasi oo ah dib u mideynta waaxyaha dowladda FS iyo soo celinta Baarlamanka oo shaqeyn kara in ay yihiin wax micno ku fadhin iyo in sidoo kale oo arko in cudud la adeegsado in ay tahay waxa ka roon wada hadalka.

IGAD oo iyadu heleysa taageerada beesha caalamka ma ahan in ay ka hagrato wax dadaal ah baadi goob xalsiyaasadeed oo loo raadiyo mushaakilka Somalia ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Great Ivans oo ah madaxa hay'adda ICG.

Muxudiin cali jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com

Muqdisho SomaLia