Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hay'ad Caalami ah oo dhinaca badaha u xilsaaran ayaa ka codsatay taliska ciidamada Isbaheysiga Mareykank uu hgogaaminayo ee ku sugan geeska Afrika in ay la dagalamaan Burcad badeeda Soomaalida.

War ka soo baxay ururka badaha caalamiga oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan IMB ayaa waxa ay ugu baaqday xoogagga Isbaheysiga ee ku sugan Jabuuti oo xukuumadda Mareykanka ay hogaamineyso in ay la dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida.

Waxaa sii kordhaya weerarada loo geeysto doomaha shisheeye iyo maraakiibta shisheeye waxaa sida yiri madaxa ururkaasi oo lagu mgacaabo B.Makandar".

Waxa uu sheegay in Burcad badeeda Soomaalida ay ka afduubtaan maraakiibta meel xeebta u jirta in ka fog 200 oo Mile biyo goboleedka Soomaaliya.

Mas'uulkan ayaa tilmamay in lagama maarmaan ay tahay in talaabooyin deg deg ah laga qaado si loo soo afjaro burcad badeeda ku xii xoogeysaneysa Xeebaha wadanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra'isulwasaaraha dowladda FS Cali Max'ed Geedi ayaa soo cusbooneeysiiyay baaqiisa ku aadan oo uu u jeedinayo beesha Caalamka in ay gacan ka geysato sidii xukuumadiisa looga saacidi lahaa amaanka biyo goboleedka Somaliya si aaneey ugu badan kooxaha burcad badeedka ah oo weerarada la beegsada maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee mara badaha Somaliya.

Geedi waxa uu ku booriyay caalamka ahmiyadda weyn ay ku fadhido dadaalada goboleed iyo midka caalamiga ee lagaga hortagayo halistaasi uu ku tilmaamay mid argagixiso hoy siin karta.

Waxa uu tilmaamay in la joojiyo shixnadaha ganacsi iyo kuwa gargaar ee soo gaaraya Somaliya hadii sidaan xaalka uu yahay, isagoo sheegay in xukuumadiisa caajis uu kaga yimid habka ay kaga hortageyso burcad badeedka doomaha la beegsada weerarada.

Geedi waxa uu cambaareeyay maraakiibta iyo doomaha sida sharci darada ah uga kaluumeysta biyo goboleedka Soomaliya oo aaney ogolaasho ka heysan xukuumadda uu hogaamiyo.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya