Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hay’adda UNHCR oo lagu eedeeyay nolol xumada heysata Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen.

Madaxa Guddiga Xaqiiqo raadinta arimaha Qaxootiga ugu xilsaaran Baarlamaanka Yemen ayaa ku eedeeyay Hey’adda UNHCR inay mas’uul ka tahay nolol xumada soo wajahday qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen .

Sarkaalkan Yemaniga ah ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi Soomaalida ay jiraan goobo ay ku xareysan yihiin oo aanu uga dhisneyn hoy mise teendo ay ku hotdaan , isagoo tilmaamay in deeqaha soo gaara ay yihiin kuwa aad u yar , waxa uuna ku eedeeyay Hey’adda UNHCR inay u dhaqmeyso qaab ka baxsan bani’aadanimada .

Waxa uu carabka ku adkeeyay in deeqaha iyo kaalmooyinka cuno iyo dawo ee loo fidiyo Soomaalida uu yahay mid aan haqab beelineyn baahida ay qabaan , waxa uuna ku baaqay in la helo Teendhooyin dheeraad ah oo lagu hoydo si gaar ah isagoo sheegay in Soomaalida soo barakacday ay ku soo hayaamayaan weli si sharci dara ah dalka Yemen .

Mas’uulkani oo u waramayay Wargeyska Al-Mu’tamar ee ka soo baxa dalka Yemen ayaa waxa uu ku booriyay dowladda Yemen inay gacan ka geysato sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka soo yeeray Qaxootiga , isagoo ku celceliyay inay waajib tahay in la kordhiyo dadaalada dhinacaasi ku aadan .

Waxaa kaloo uu sheegay in Soomaalida ay ka soo carareen dagaalo Soomaaliya ka jiray ayna weli ku soo qulqulayaan Yemen xilli dhibaatoyin dhaqaale xumo ay la liiceyso Xukuumadda Sanca ,waxa uuna dhinaca kale beeniyay inuu jiro qorshe si qasab ah Soomaalida dib loogu celinayo dalkooda , waxa uu farta ku fiiqay in tarxiilka la damacsan yahay aaney mas’uuliyadeeda qaadeyn marnaba dowladda Yemen oo uu u gaar yahay hey’adda UNHCR , balse waxa uu xaqiijiyay in dhankooda ay tarxiilayaan waxa uu ku sheegay dad ay ku hayaan dambiyo wax u dhimaya amaanka Yemen .

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com