Hay'ad Talyaani ah oo maanta deeq gaarsiisay degmada Balcad ee
gobolka Shabeelaha dhexe.
Hay'ad Talyaani ah oo qaabilsan gargaarka ayaa maanta deeq isugu jirta
Daawo iyo qalab gaarsiisay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe
gaar ahaan xarumaha caafimaadka ee degmadaasi.Deeqdan o ka koobneyd deq
daawo oo gaareysa 10 Tan iyo qalab caafimad ayaa waxa ay hay'adn
Talyaaniga ah oo lagu magacaabo Asasiyoone Di le afrika usoo marsiisay
hay'ad wadani ah oo lagu magacaabo Homdas .
Deeqdan ayaa maanta la gudonsiiyay gudiga degmadaasi uu leeyahay iyo
ururka bisha cas ee Soomaaliyeed.mid ka mid ah mas'uuliyiinta
caafimaadka ee degmadaasi ayaa ku waramay in deeqdan ay wax badan ka
tareyso baahida goobaha caafimaadka ee degmadaasi iyo baahida dadka ku
dhaqan degmada Balcad.
Mas'uulkan ayaa intaa ku daray in deeqdan aanu ahayn tii ugu horeysay oo
noocdda ah oo ay hay'adn soo gaarsiiso dadka ku dhaqan degmada Balcad.
Maxamed Cumar Sheekh .
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.