Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Hay’adda badaha Engriiska oo ku baaqday in la sameeyo ciidamo ilaaliya badaha Somalia

Urur ku taqasusay arrimaha badaha oo la yiraahdo Numast, fadhigiisuna yahay waddanka Ingiriiska ayaa maanta ka dhawaajiyay in maraakiibta mara xeebaha Soomaaliya ay u baahanyihiin ilaalo hubeysan maadaama ay soo kordheyso burcad badeeda maraakiibta ku dhibaateeya xeebaha Soomaaliya.

Andrew Linnington, oo ka tirsan ururkani la yiraahdo Numast, ayaa beesha caalamka waxa uu ugu baaqay in la sammeeyo ciidamo badda ah oo bixin kara jawaab deg deg ah si loo joojiyo buu yiri, weerarada loo geysanayo maraakiibta marta badda Soomaaliya isaga oo sidoo kalana ku baaqay in lacago dheeri ah la siiyo badmaaxayaasha ku safraya xeebaha Soomaaliya.

Mas’uulkani ka tirsan hay’addan fadhigeedu yahay waddanka Ingiriiska ayaa baaqani jeediyay ka dib markii weerar loo geystay maalintii shalay markabka uu leeyahay mareykanka oo ah kuwa lagu tamashleeyo oo marayay xeebaha Soomaaliya.

Markabkani oo magaciisu uu ahaa Seabourn Spirit ayaa sutida u qabtay kooxo bur bacdeed ah oo watay labo doonyood kuwasi oo cabsi geliyay rakaabka saarnaa markabka.

Labadda doonyood ee ay wateen burcad badeeda ayaa ku soo dhowaaday markabka Seabourn Spirit, iyaga oo ku riday qoryaha fudud iyo baasuukayaal markabkani dalxiiska ee mareykanku leeyahay.

Balse Kabtanka markabka waday oo qaatay go’aan dhiiranaansho ah ayay u suura gashay in uu ka baxsado kooxahaasi hubeysnaa ee damacsanaa in ay afduubtaan markabka oo ay saarnaayeen dad gaarayay 300 oo ruux oo isugu jiray dalxiisayaal iyo shaqaalaha markabka.

Mr Linnington, sarkaalka maanta u hadlay ururka badaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya ay noqdeen goobo halis ah ayna tahay in lagu dhawaaqo in xeebaha Soomaaliya ay yihiin goob dagaal, oo eraygani micnihiisa farsamo ahaan uu xaquuq fara badan uu siinayo bad maaxayaasha maraya xeebaha Soomaaliya.

" Xaajadda xeebaha Soomaaliya waxay gaartay heer fowda ah shilkani ugu dambeeyay ee lagu weeraray markabka ay saarnaayeen dalxiisayaasha ayaa waxa uu muujinayaa in la gaaray waqtigii dowladaha caalamka ay si wada jir ah u qaadi lahaayeen tallaabooyin ku wajahan xeebaha Soomaaliya” ayuu yiri Mr Linnington.

Markabka Seabourn Spirit oo ay saarnaayeen 151 – oo ay ku jiraan 48 u dhalatay dalka Mareykanka iyo 22 u dhashay dalka Ingiriiska – ayaa haddii ay qabsan lahaayeen burcad badeeda ayaa waxa ay noqon laheed arrin ay ku helaan lacag fara badan.

Labo todoobaad ka hor ayay aheed markii hay’adda caalamiga ee la socodka badaha ee marka la soo gaabiyo IMB ay shaacisay in xeebaha Soomaaliya ay noqdeen khadka burcad badeeda.

" Haddii beesha caalamka aysan tallaabo ka qaadin dambiilayaashan, maraakiibta Soomaaliya mara waxay noqon doonaan kuwo wajaha halis ballaaran” ayuu yiri Agaasimaha hay’adda , IMB Pottengal Mukundan.
Waxay hay’adda IMB intaasi ay sii raacisay in kooxaha burcad badeeda ee Soomaaliya ay u muuqdaan in ay ilaalo ka heystaan hoggaamiyayaasha kooxaha Soomaaliya qaar kood.

Dhinaca kale sarkaalka lagu magacaabo Mohammed Ali Faum, oo ka tirsan midowga Afrika, ayaa sheegay in weerarka loo geystay markabka dalxiiska ee Mareykanka leeyahay ay muujineyso muuhiimada ah in Soomaaliya la xasaliyo isaga oo xusay in khilaaf ka dhex jira beesha caalamka oo ah sida loo xalin karo dhibaatadda Soomaaliya ay hareeysay rajadda ah nabad ka dhalata Soomaaliya.

Maxamed Cali Faum ayaa yiri: “ waynu awoodi la’anahay in Soomaaliya xalkeeda aynu ka qabano xitaa in yar iyada oo dalkaasi uu gubanayo”
Tan iyo bishii Maarso ee sanadkan ugu yaraan 23 weerar ayaa maraakiib loogu geystay xeebaha bari iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya iyada oo weerarkani ugu dambeeyay uusan ku jirin, waa sida ay sheegtay hay’adda caalamiga la socodka badaha

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya