| Howlgal
Balaaran oo ay sameysay Maxkamada Al Furqaan ayaa waxaa lagu soo qabtay
Qamri aad u fara badan iyo Makiinadii Lagu Sameynayay… 06:30 Am
subaxnimo xiliga Afrikada Bari ayaa howl gal balaaran oo ay sameeyeen
ciidanka Maxkamada Islaamiga ah ee AL Furqaan, ayay waxay ku qobteen qamri
aad u fara badan iyo waliba makiinadii macmalka aheed ee lagu sameyn jiray
qamrigaas.
Howl galkaan oo aan wax iska hor imaad sidaas
u buuran aan ka dhicin, ayaa masuuliyiin maxkamada waxay Saxaaafada u
cadeeyeen in ay qabteen 17 Jirgaan oo Qamri ku jiray iyo waliba waxyaabahii
laga sameyn jiray waliba ay soo qabteen makiinadii macmalka aheed ee lagu
sameyn jiray qamriga ay qabteen saakay.
Masuulkaan ayaa waxaa kaloo uu sheegay in
qamrigaan badankiis lagu gadi jiray isgooska No.4 oo haatan ay gacan ku
hayaan amaankiisa Midoowga maxaakiimta, balse haatan aan meel mucayin ah
lagu gadin.
Waxaa kalo uu masuulkaan uu sheegay in ay ka
soo xigteen meesha lagu sameeyo qamrigaan dhalinyaro ay horay u qabteen
lagana qabtay isgooska No.4 markii ay howlgalada ka sameeyeen.
Waxaana isla arrintaan horay dad iyo qamri
badan u soo qabteen ciidanka maxkamada Islaamiga ah ee Ifka Xalan.
Ma ahan markii ugu horay ee falal noocaan oo
kale ah la arko, waxaase dadweynaha Muqdisho ku sugan ay u mahadceliyeen
Midoowga Maxaakiimta Islaamiga ah sida ay had iyo jeer ula dagaalayaan
falalka ka xaaraaman diinta Islaamka.
|