|
Haween Somaliyeed oo dhawaan ergo Dhex dhexaadin u diraayo magaalada Jowhar
Golaha Haweenka Nabadeeynta Qaranka Soomaaliyeed oo gaaraya illaa 180
xubnood ayaa maanta Somalinet u sheegay inay diyaar u yihiin u kala dab
qaadista xubnaha dowladda ee kala joogga muqdisho iyo jowhar.
Haweenkan ayaa sheegay in soomaaliya xilligan aysan u laaban karin waxa
ay ku sheegeen kala qeybsanaanta qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan lagu soo
yagleelay magaalada nairobi, isla markaasina loo huray waqti farabadan.
Drs Cambaro Xaaji Xasan oo haweenkan Gudoomiye u ah ayaa sheegtay inay
sida ugu dhaqsiiyaha badan ergo haween ah ugu dirayaan magaalada jowhar si
loo baajiyo kala qeybsanaanta dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay sheegtay in haweenku yihiin kuwa marwalba u nugul
dhibaatada sidaasi daraadeedna ay doonayaan inay dhameeyaan qilaafka dhinaca
fikirka ah ee dowladda federaalka, waxaana ay xustay inay buuxin doonaan
kaalintii haweenka Soomaaliyeed lagu aqoon jiray.
Haweenkan ayaa dhowaan la kulmay Wasiirka dib u dhiska Dowladda
federaalka Soomaaliya Barre Aadan Shire Hiiraale, oo isagu doonaya in meel
dhexe ay xubnaha is qilaafsan isugu yimaadan.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|