|
Habeenkii saxaafada
Soomaaliyeed
Munaasibad aad looga soo shaqeeyay oo lagu maamuusayay
warbaahinta soomaaliyeed ayaa 8dii bisha July ee 2005 lagu qabtay magaalada
Minneapolis ee gobalka Minnesota oo ah gobalka ugu soomaalida badan
waqooyiga America. Munaasibadaas oo loo baxshay habeenka Hormarita Saxaafada
Soomaaliyeed oo ahaa mid si xirfidaysan loo soo qaabeeyay, waxa isku soo
dubariday soona bandhigay ha’ayada loo yaqaan Somali Media Advocacy oo ka
hawl gasha wadanka mareykanka. Xuskan Habeenka Hormarita Saxaafada
Soomaaliyeed. waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan ,
aqoonyahano,
masuuliyiin ururada bulshada ka kala socday qaybaha ardayda, macalimiin,
Dhaqaatiir, Abwaano iyo siyasaiyiin ajanabi ah.
Ugu
horeyntiiba waxa munaasibadaa furay madaxwayne ku xigeenka Somali media
Advocacy marwo Amina Maxamud Carte oo ka hadashay muhiimada ay leedahay in
warbaahintu hesho taageerada shacbiga iyo sida ay lama huraanka u tahay wada
shaqeynta shacbiga soomaaliyeed iyo wariyaashooda. Waxay Amina Arte qudbad
macaan ka dib ku soo dhaweysay warbaahiyaha Musharaxa Jagada Mayornimada ee
Magaalada Minnapolis Mr. Peter Mclaughlin oo isaguna halkaa ka jeediyay
qudbad uu ku dheehayo sida ay magaaladiisu diyaarka ugu tahay la shaqeynta
ururka saxaafada iyo shacbiga soomaaliyeed guud ahaanba. Musharaxu
wuxuu dhiirigaliyay amaana u soo jeediyay ururka iyo qaban qaabayaasha
barnaamijkan, wuxuuna yiri (waa lama huraan in tayada warbaahinta
Soomaaliyeed kor loo qaado waayo waa isha kaliya ee bulshada loogu hagi
karo wadada horumarka iyo laqabsiga ummadaha horumaray). Markii Mr. Petar
dhameeyay hadalkiisii waxa la wareeegay masuulka ha’ayda Somali Community
Resettlement Services inc. iyo RSTV Mudane
Abdullah Hered (Sharif) oo isagu soo dhaweyn u muujiyay dhamaan marti
sharftii xaflada ka soo qayb gashay isla markaana ku nuux nuuxsaday xilka
warbaahinta ka saaran isu keenida mujtamaca iyo bad-baadinta bulashada
Soomaaliyeed.iyadoo markaa kadib codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay madaxa sare
ee Somali Media Advocacy mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinur oo halkaas ka
soo jeediyay Qudbad aad u soo jiidatay dhagaha kasoo
qaybgalayaasha.Wuxuu
Abdifatah hadalkiisa ku bilaabay waxii ku dhaliyay aasaaska hay’adan iyo
sameynta munaasibadan waxaanu ku nuuxnuuxsaday mihiimada ay leedahay
warbaahintu sida ay lagana maarmaanka u tahay in ay saxaafada Soomaalidu kor
uga dalacdo halka ay taaganthay is la markaasna loobaahanyahay in lala
talaabsado warfidiyenta caalmka kale oo aan lagu mashquulin in la
buun-buuniyo iskudhaca Soomaalida qeerkeed kareebay oo kaliya, ee ay waajib
tahay in la shaaciyo waxyaabaha dadka iyo dalkanba horumarka u keeni kara
sida iyada oo ilayska lagu ifiyo baahida waxbarashada, caafimaadka,
horumarka ganacsiga, muhiimada nabadgalyada, isku keenida bulshada iyo
sidiii tayada shaqada kor loogu qaadi lahaa.
Waxuuna Cabdifataax yidhi meelmarinta amuurahaaas oo
dhan waxa masuul ka saaran yahay suxufiyiinta Soomaaliyeed, maadaama ay
iyagu gaadhsiin karaan dhagaha muwaadin kasta, Cabdifataax oo hadalkiisii
sii wata waxa uu sheegay in ay lama huraan tahay in suxufiyiintu ka madax
banaanaadaan siyaasiyiinta, hogaamiye kooxeedyada iyo dhamaan shaqsiyaadka
danta gaarka ah leh oo ay u madax banaanaadaan fakirkooda fayow isla
markaana ay wada shaqeeyaan saxaafad ahaan si ay bulshadooda horumar u
gaarsiiyaan ee aanay ku noqon seeftii kala goyn lahayd.Goobtaas
dadka ka hadlay oo aad u badnaa waxa kale oo ka mid ahaa sarkaal ka tirsan
hay’ada xaquuqda bani- aadamka u dooda lana yiraah mudane Siyaad Geelle oo
isigu aad ugu dheeraaday wada shaqaynta ka dhaxaysa saxaafada iyo u
dagaalanka xaquuqda binu-aadmiga (Human Rights) mudane siyaad waxa uu
warbaahinta ku dhiiri galiyay in ay xil iska saaraan soo bandhigidda dadka
xaquuqda u dooda lagu tacdiyo waxaanu u hanbalyeeyay idaacadaha iyo qaybaha
kala gadisan ee warbaahitu ka kooban tahy ee hawshaas iminkaba waqtiga
galiya . xafladan oo aan loo kala harin, waxa kale oo ka hadlay
Macalin / Abwaan Saciid saalax oo isaga ay qudbadiisu sharaxaysay muhiimada
ay saaxfadu u leedahay bulshada. mudane Siciid waxa uu taataabtay taariikhda
Soomaalida ay ku leedahay saaxafadu waxaanu sheegay in warku yahay astaan ka
mid ah astaamaha soomaalida sida (waryaa) oo ka soo jeeda “War ” , Saciid
saalax waxa uu kula dardaarmay wariyaasha Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo
loo aayo, oo aanay qayb ka qaadan baaba’a haysta umadda soomaaliyeed,
warbaahintuna ay tahay meesha ugu horeysa ee bulsho laga hagi karo hadii ay
xumaatana aan waxbadan badbaadeen. Sidoo
kale waxaa halkaa hadal kooban ka soo jiidiyay Anwar sheikh Muxumed cabdalle
oo ah soo saarihii ugu horeeyay ee waqooyiga mareykanaka ku soo bandhigay
filim soomaaliyeed, ahna abwaanada cusub ee ku soo biiray suugaanta
soomaliyed. Isagoo ku booriyay in had jeer saxaafadu noqoto mid dhexdhexaad
oo aanay maranab dhinac u axglin. Ugu
danbeyntii waxa goobtaaas hadalo dar daaran iyo dhiira galin isugu jira ka
jeediyay abwaan Maxamuud Abdullaahi Ciise “singub” oo isagu aad u amaanay
qaban qaabiyayaashii munaasibada iyo sida wacan ee loo soo agaasimay.
Abwaanka oo halkaa gabay qiiro leh ka soo jeediayay ayaa si weyn ugu
hanbalyeeyay ka soo qayb galayaasha iyo qabanqaabiyayaashaba sida weyn ee ay
xilka isaga saareen iyo waliba suuro galinta xafladan. Singub oo si weyn
looga yaqaano guud ahaan dunida ayaa hadalkiisa ku soo koobay mudnaanta
habeenka saxaafada soomaaliyeed uguna baaqay in bulshadu gacan ku siiso
Cabdifataax M. Abdinur oo ah aasaasihii ururkan saxaafada kuna tilmaamay ama
ka codsaday Abdifataah inuunan ka daalin howshan. Gaba gabadii barnaamijka waxa halkaa lagu qaybiyay
hadiyado iyo abaalmarino (Awards) lasiiyay warbaahinadii ama saxaafadihii
mutaystay abaalmarintaas oo ay soo xuleen gudi si gaar ah ugu takhasusay
amuurta saxaafada iyo shacbiga reer Minnesota waxa qaybinayay Madaxa Somali
Media Advocacy Abdifataah Maxamed Cabdinuur , masuulka labaad ee haayada
Amina Arte iyo gudiga loo xilsaaray qaybinta abaalmarinta oo ay ku
guuleeysteen kow iyo toban saxaafadood oo laga doortay in kabadan 97
warbaahiyaal. Waxaana ku kala guuleeystay
Hiiraanonline oo helay Most
trusted website (midka loogu kalsoonyahay)
Widhwidhonline oo helay Most
news coverage website (ugu warka baahsan)
Radio banaadir oo helay Most
neutral radio
(Ugu dhexdhexaadsan)
Wardhernews oo healy Best Somali English
website (Ugu English qorid fiican)
All puntland oo helay Most updated
website (ugu war joogteeysan)
Amin Amir oo helay Best Arts
award ugu farshaxansan
Rochester Somali TV oo helay Most
Watched Somali TV (loogu daawasho badanyahay)
Codka Beesha /Agabso oo helay Most
educational radio (ugu culuumta badan)
Somalinet website oo helay Most
entertainment web. (Ugu madadaalada fiican)
Somali Weyn Radio/web oo helay Best combined
program (dhafnaanta barnaamijyada Waxaa kale oo amaal marin la siiyay dhowr wariye oo ka
shaqeeya warbaahinta Minnesota oo kala ah:
Maxamed Xusein Shino (Somali TV) wariyaha ugu
khibrada badan ee Minnesota.
Maxamud Mas cade (Somali TV) Wariyaha sandaka 2005.
Abdi Maalik Askar (Somali Show TV) Wariyaha ugu firfircoon.
 
By: Samatar Amin RSTVonline MN USA.
Wixii faahfaahin fadlan kala soo xiriir Abditah M. Abdinur RSTVonline.com
Abifatah_7@hotmail.com
|