Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hay'adda wadatashiga iyo cilmi baarista CRD ayaa shaaca ka qaaday in ay xarun ka furatay magaalada kIsmayo, taasoo ka shaqeyn doonta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Cabdulqaadir Cali Cokeer oo ka mid ah Mas'uuliyiinta CRD da ayaa RSTV u xaqiijiyay isagoo ku sugan magaalada Kismaayo in xaruntan cusub ay la mid tahay xarunta CRD ay ku leedahay magaalada Muqdisho, isla markaana ay qeyb ka tahay talaabo ay CRD ku dooneyso in gobolada dalka oo dhan ay ku yeelato xarumo.

Xaruntaan Cusub ee Hay'adda CRD ay ka furatay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka qabanayaa gobolada Jubooyinka iyo Gedo kulamo lagu hormarinayo kobcinta nabadda iyo is dhexgalka bulshada ku wada nool goboladaaasi.

Cukeer waxaa kale uu xusay in dhowr kulan ay horey ugu qabatay hay'adda CRD magaalada Kismaayo, kuwaas oo looga hadlay sida nabadda loogu hormarin karo isla markaana lagu kobcin karo is dhex galka Bulshada, waxa uuna ku sheegay Furitaanka Xafiiskaan in ay si aad ah u soo dhaweeyeen horeyna ay ugu soo gudbiyeen codsiyo la xiriira in hay'adda CRD ay ka furato xarun gobolada Jubooyinka.

C/qaadir Cali Cokeer waxa uu sheegay in ay kala hadleen furitaanka Xaruntaan maamulka degmada Kismaayo iyo kan isbaheysiga D/jubba intaba ayna soo dhaweeyeen hay'adda CRD howlaha ay dooneyso in ay ka fuliso gobolada K/Soomaliya.

Ugu dambeyntii Mas'uulkaasi ayaa waxa uu xusay in dhowaan ay rajeynayaan in xarumo kale ay ka furaan magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne si loo hormariyo barnaamijyada hay'adda CRD ee salka ku haya horumarinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya