Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Gukuf dagaal oo ka jira Gaalkacyo

Waxaa soo baxayay maanta warar sheegaya inay kacsan tahay xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii maliishiyaad la sheegay inay ka soo jeedaan Koonfurta magaaladaas ay dhaqdhaqaaq bilaabeen.

RSTV si ay wax uga ogaato xaqiiqda warkan ayay qadka teleefoonka kula xiriirtay Wakiilka ururka USC/SNA Cali Xisbi oo halkaasi ku sugan, waxaana uu inoo sheegay in dhaqdhaqaaqani uu jiro kadib markii Dadka dega W/Gaalkacyo ay si cad u diideen waxa uu ku sheegay qeyb wadaagga Adeegga dadweynaha oo uu sheegay in lagu heshiiyay sanadkii 1993dii.

Sidoo kale waxaa uu qiray inuu jiro is urursi ay bilaabeen maliishiyaad ka soo jeeda K/Gaalkacyo, kaasi oo ay ku doonayaan inay joojiyaan dhamaanba Duulimaadyada magaaladaasi, waxaan uu hoosta ka xariiqay inay tahay talaabo mudan in la qaado, waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaan uu intaa ku sii daray in Maamulka ay iska soo horjeedaan ay kala hadleen hase ahaatee aaney dhegta jalaq u siinin, waxaa uu sheegay in dulqaadkii uu ka dhamaaday maliishiyaadka isaga taageera ee ku sugan magaaladaasi

Sidoo kale waxaa uu inoo sheegay in xittaa laga yaabo inuu Dagaal ka qarxo halkaasi, isagoo ku micneeyay abaabulka labada dhinac ay wadaan, hase ahaatee waxaa uu farta ku goday in Mas`uuliyadda ay qaadayaan beesha W/gaalkacyo.Ma jiraan illaa hadda dadaalo lagu kala dhexgelayo labadan Maliishiyo ee wada dega Gobolka Mudug, hase ahaatee waxaa jira warar tilmaamaya inay jiraan waxgarad labada dhinac ka tirsan oo qaboojinaya xiisaddan

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jauula@hotmail.com