Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyaha gobolka Banadir oo kulan la qaatay guurtida Hawiye.

 Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan kula qaatay hotelka uu magaalada Muqdisho ka daganyahay ee Ramadan guurtida beelaha Hawiye.Kulankan oo ay akbaabadu u xirnaayeen ayaa la sheegayaa in lagu wada gorfeeyey arimo la xiriiea dib u heshiisiinta dalka gaar ahaan gobolka Banadir.

Gudoomiyaha guurtida beelaha Hawiye C/laahi Cabdi Wehliye oo markii uu kulankaasi dhamaaday saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in gudoomiyuhu ay ka wada hadleen arimo  quseeya gobolka gaar ahaan dib u heshiisiinta .

 Mr Wehliye waxa uu sheegay in gudoomiyuhu uu si wanaagsan usoo dhaweeyey waxyaabihii ay ula tageen .Dhinaca kale gudigii ka koobnaa shanta xubnood loona xilsaaray soo gabagabeynta khilaafaadka dawlada ka dhex jira ayaa maanta la kulmay xubno wasiiro iyo xillibaano isugu jira oo taabacsan siyaasad ahaan madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha .

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxa uu ka dhacay hotelka Ramadan oo ay degenyihiin xubnaha taabacsan madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha.Gudigan ayaa la sheegayaa in kala soo kulmeen xubnihii ay la kulmeen soo dhaweyniyo inay diyaar u yihiin in lasoo afjaro khilaafaadka ka dhex taagan xubnaha sar sare ee dawlada kmg ah ee Somalia.

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester  Somali Tv muqdisho

Cadde_8@hotmail.com