|
Gudoomiyaha
barlamaanka dawlada kumeelgaarka ah ee Somalia Sharif Xasan Sheekh Aadan
ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Djibouti Isma'il Cumar Geele .
Kulanka labada mas'uul oo albabadu ay u
xirnaayeen ayaa illaa iyo iminka la shaacin waxyaabaha dhabta ah ee ay
kawada hadleen balse dad ku dhowdhow gudoomiyaha ayaa saxaafada u sheegay in
labada mas'uul ay kawada hadleen arimo farabadan oo ay ka mid tahay
guuldaradii soo foodsaartay kulankii Sanca ku dhexmaray gudoomiyaha iyo
Madaxwene C/llaahi Yuusuf.
Gudoomiyah ayaa la sheegayaa inuu
magaalada Jibiti kaga qeybgalayo xuska maalinta xuriyada Jibuti oo maalinta
bari ah ku began . Mr Geelle madaxweynaha Jibuti ayaa gudoomiyaha
barlamaanka Somalia Sharif Xasan ku booriyey in marwalba uu fiiriyo danaha
shacabka Soomaaliyeed oo uu muujiyo tanasul si umadda looga saaro mugdiga 15
sano jir saday.
Waxaana la filayaa barri gelinka danbe in
wafiga gudoomiyaha oo gaaraya illaa 10 xubnood ay halkaa ka soo ambabaxaan
ayagoo kusoo wajahan magaalada Muqdisho
Maxamed Cumar Sheekh
Maxamed Cadde
Muqdisho
|