Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dhoofay
magaalada Muqdsiho.
Gudoomiyaha barlamaanka dawlada federaalka ku meelgaarka ah ee
Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka dhoofay magaalada
Muqdsiho asagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu waramayaa in socdaalkiisa ay ku wehliyeen
wafdi aan sida u badnayn oo magaalada Muqdsiho ka raacay .
gudoomiyaha ayaa lagu waramayaa in magaalada Nairobi aanu waqti sidaa u
badan joogi doonin asagoo u kicitimi doona wadanka Maraykanka halkaasoo
la sheegayo inuu kaga qeyb galayo kulay yeelanayaan madaxda barlamanada
caalamka ,kulankaasi ayaa lagu waramayaa inuu ka dhici doono wadanka
mareykanka magaallo ku taalla.
Sharif Xasan Sheeq Aadan ayaa socdaalka maraykanka uu ku tagayo waxa uu
madaxda wadamada halkaa imanaya usoo bandhigi doonaa xaalada wadanka
Soomaaliya ka jirta iyo qorshaha xukuumada federaalka ku meel gaarka ah
ee Soomaaliya.
socdaalka gudoomiyaha ayaa lagu sheegaya inuu yahay socdaal aan horey
loo shaacin ayadoo gudoomiyuhu uu si kadis ah magaalada Nairobi ugu
kicitimay.
Maxamed Cumar Sheeq
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.